4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 15, 2018
Taliye ku-xigeenkii hore ee Sirdoonka Itoobiya oo la xiray

Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)-  Ciidanka amniga dalka Itoobiya ayaa xabsiga dhigay taliye ku-xigeenkii hore ee hay'adda Sirdoonka dalka Itoobiya Yared Zerihun , isagoo ku eedeysan xadgudubyo ka dhan ah bani’aadanimada, intii uu xilka hayay,sida laga soo xigtay warbaahinta Itoobiya.

Yared Zerihun , ayaa ciidanka u gacan-galay isagoo baxsad u ahaa magaalo 30 km koofur kaga beegan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya,sida u warbaahinta u sheegay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Itoobiya Jen Berhanu Tsegaye.

Xariga Yared Zerihun , oo sidoo kale horay usoo noqday Taliyaha Booliska Federaalka, isagoo xilkaas hayay muddo saddex bilood ayaa ku soo aadday xarig taxane aha oo maalmihii u dambeeyay lagu hayay saraakiishii ammaanka ka shaqeyn jirtay oo loo heystay eedo la xiriira musuq maasuq iyo xadgudub dhanka bani’aadanimada.

Xaaska Kuxigeenkii hore Sirdoonka Itoobiya , ayaa maalintii Isniinta ee toddobaadkii hore xabsiga loo taxaabay, kaddib markii lagu eedeeyay inay isku dayday inay qariso seygeeda.

Toddobaadkii hore maalinta Arbacada ayay ahayd sidoo kale , markii Madaxii hore ee Warshada Farsamada Hubka Jen. Kinfe Dagnew la xiray , kaasoo loo soo duuliyay magaalada Addis Ababa, isagoo gacmaha ka katiinadeysan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]