3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 15, 2018
Dhallinyarada Soomaalida ee London iyo weerarrada mindiyaha

Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)-   Degmada Camden oo ka tirsan magaalada London waxay ka mid tahay qaybaha ay Soomaalidu ka deggan yihiin magaaladaas. Qaar badan oo bulshada Soomaalida ah ayaa halkaasi gaaray si nolol fiican ay uga helaan, ka dib dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya.

Balse dhalinyarada Soomaalida ah ee halkaasi ku dhaqan qaarkood ayaa waxa ay la kulmeen mowjado weerarro ah oo loo adeegsado mindiyo taasi oo saamaysay guud ahaan Soomalida ku nool London.

Hadda waxaa socda dadaal ay wadaan Odayaasha Soomaalida oo is abaabulay isla markaana habeenkii u baxa iney ku gaaf wareegaan wadooyinka si ay u sugaaan amniga da' yarta.

Sanadkan oo kaliya ayaa Camden lagu dilay shan qof oo labo ka mid ah ay ahaayeen Soomaali.

20kii bisha Febraayo waxaa la toorriyeeyay Abdiqaadir Xasan, isla habeenkaasna Sadiiq Aadan ayaa la dilay.

Fawsiyo Cabdi waa hooyada dhashay Sadiiq Aadan, xaaladdana wey ku sii xumaanaysaa waxa ayna tiri iyadoo ka hadlaysa saamaynta ay ku reebtay falkaan "Waxaan ahay hooyada Sadiiq Maxamed, ma garanayo waxa jira, waan dareemayaa xanuunka, wiilkayga Sadiiq waxaa la tooriyeey 28 mar, maalin iyo habeen waan la xanuunsadaa"

Xaafadda Camden oo ay Soomaalida aad ugu badan tahay ayaa waalidiinta waxa ay isugu yimaadaan sidii ay uga hortagi lahaayeen falalkan galaafta nolosha carruurtooda, mid ka mid ah ayaa waxa uu yiri "18 dhalinyaro Soomaali ah ayaa sida la aaminsan yahay noloshooda ku waayey xaafaddan, Camden waxay ka mid tahay xaafadaha ugu xun ee dambiyada dhalinyarada loogu gaysto, sidaas awgeed waxaan isku dayeynaa inaan caawinno dhalinyaradeenna, oo aan ka hortagno inay dhibaatada sii kororto".

Sanadkii 2017kii waxaa jiray boqollaal dhibaneyaal ah oo ay dhaawacyo ka soo gaareen toorriyeyn ka dhacday xaafaddan.

Cumar waxa uu ka mid ahaa ilaalada ka howlgala xaafaddan waxa uuna yiri "Ciidamada booliska waxaan ka codsan lahayn inay shaqadooda qabsadaan, shaqada aan hayno ma'ahan teenna , carruurteenana waxaa loo dilaa sabab la'an".

Oday dhaqameedyada Soomaalida ee ku nool xafaaddan ayaa waxay ku kulmaan maqaayadaha, waxa ayna ka hadlaan sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka ay wajahaan dhalinyarada ku nool xaafaddan.

Maxamed Faarax oo ah madaxa jaaliyadda Soomaalida ee daggan xaafaddan ayaa yiri "fikir ahaan waxay ila tahay inay arrintan dowladda masuul ka tahay, sababtoo ah dowladda lacag ku filan kuma bixiso howlaha booliska iyo arrimaha maalgashiga waxbarashada"

Rabshadaha loo gaysto dhalinyarada Soomaalida waa mid adag oo wajiyo kala duwan leh, booliskana waxay sheegayaan inaysan jirin wax loo sababayn karo dhibaatooyinkan oo uusan jirin wax xal ah.

Carruurta la adeegsaday waa kuwo daciif ah waxayna aad ugu badan tahay ineysan awood u lahayn iney booliska macluumaad u soo gudbiyaan, si ay laamaha sirdoonka ay ugu suurta gasho helitaanka hababkii lagu soo badbaadin lahaa.

Xigasho: BBC











Click here
11/15/2018 1:58 PM EST
Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)- Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa shir ay maanta ku yeesheen Muqdisho uga hadlay tirakoobsha shaqaalaha dawladda, xubinnimada Soomaaliya ee suuqa ganacsiga Bariga iyo Koofurta Afrika iyo qorshaha geeddi socodka dayn Cafinta Soomaaliya.

11/15/2018 1:52 PM EST
Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)- Golaha wasiirrada Puntland oo maanta ku shirey xarunta madaxtooyada Puntland ee duleedka magaalada Garoowe ayaa ansixiyay labo degmo,kaddib soo gudbin ka timid wasaaradda arrimaha gudaha Puntland.

11/15/2018 12:33 PM EST
Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)- Guddi baaritaan ku sameeya qaraxyadii jimcihii la soo dhaafay lagu weerarray Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho ayaa maanta la magacaabay, kaddib kulan ay magaalada Muqdisho ku yeesheen guddiga Difaaca Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

11/15/2018 12:20 PM EST
Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)- Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa xafiiskiisa kula kulmay maamullaha Guud ee guddiga badbaadada caalamiga ah (IRC), David Miliband, oo socdaal ku yimid Muqdisho.

11/15/2018 12:13 PM EST
Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)- Labo qof ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay caasimadda Muqdisho galinkii dambe ee Khamiista maanta, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.

11/15/2018 12:03 PM EST
Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)- Dacwad oogaha guud ee Sacuudiga ayaa codsaday in ciqaab dil lagu xukumo shan qof oo la sheegay in lagu tuhmayo dilka suxufi Jamaal Khaashuqji.

11/15/2018 11:56 AM EST
Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)- Ciidanka amniga dalka Itoobiya ayaa xabsiga dhigay taliye ku-xigeenkii hore ee hay'adda Sirdoonka dalka Itoobiya Yared Zerihun , isagoo ku eedeysan xadgudubyo ka dhan ah bani’aadanimada, intii uu xilka hayay,sida laga soo xigtay warbaahinta Itoobiya.

11/15/2018 11:40 AM EST
Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)- Safiirka cusub ee Marekanka u qaabilsan Soomaaliya, Donald Yamamoto ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho,howlgalka Marekanka ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay imaanshiyaha Danjire Yamamoto, xilli uu ka dhawaaqjiyay inuu sii dardargelin doono xoojinta cilaqaadka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo Marekanka.

11/15/2018 11:37 AM EST
Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)–Xaflad ballaaran oo shahaadooyin lagu gudoonsiinayey boqolaal arday oo ka qelin jebisay Sagaal ka mid ah 11-ka kuliyadood ee ay ka kooban tahay Jaamacadda Banaadir ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

11/15/2018 11:25 AM EST
Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)- Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun ku riday labo nin oo lagu helay inay ka tirsanyihiin kooxda al-Shabaab.

11/15/2018 11:07 AM EST
Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)- Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland ee doorashada 2019-ka, Cali Xaaji Warsame ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaas oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay.

11/15/2018 11:05 AM EST
Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta kulan sagootin ah Muqdisho kula yeeshay safiirkii Turkiga ee Soomaaliya, Olgan Bakar oo dhamaystay xilli howleedkiisii Soomaaliya.

11/15/2018 11:00 AM EST
Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)- Doorashada madaxweynaha dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed ayaa xilliga ay dhaceyso dib loo dhigay,kaddib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Baydhabo guddiga joogtada ee Baarlamaanka Koonfurgalbeed.

11/15/2018 10:45 AM EST
Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)- Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shir jaraa'id oo u Muqdisho ku qabtay, waxa uu sheegay in weerarkii Jimcihii toddobaadkii hore lagu qaadday Hotel Saxafi inuu ahaa shirqool la rabay in lagu dilo Xildhibaanno iyo saraakiil ka tirsan dowladda oo deggenaa Hotelka.

11/15/2018 10:33 AM EST
Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)- Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye, ayaa maanta magaalada Boosaaso kulan qado-sharafeed ahaa kula qaatay nabadoonnada gobollada Bari, Karkaar iyo Gardafuu.

11/15/2018 7:25 AM EST
Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)- Dowladda Jabuuti ayaa si lama filaan ah usoo dhaweysay cunaqabateyntii hubka iyo xayiraadaha kaleba ee laga qaadday dalka Eritrea.

11/15/2018 6:59 AM EST
Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)-Booliiska magaalada Baydhabo ee xarunta KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa kala eryay dad shacab ah oo dibadbax ka dhigayay magaalada kuwaa oo taageero u muujinayay mid ka mid ah musharixiinta xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed

11/15/2018 6:51 AM EST
Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)-Isku dayga ra’iisul wasaaraha Britain Therese May ay baarlamanka dalkaas uga dhaadhicineyso inay ansixiyaan heshiis ay Britain kaga baxeyso Midowga Yurub ayaa wajahaya caqabad hor leh, kadib markii maanta uu is-casilay wasiirkeedii Brexit, Dominic Raab.

11/15/2018 3:01 AM EST
Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)-Ururka Al-shabaab ayaa shaaciyay magacyada qaar ka mid ah magac-yada raggii ka danbeeyay weerarkii Jimcihii aynu soo dhaafnay lagu qaaday Hotel Saxafi.

11/15/2018 2:39 AM EST
Khamiis November, 15, 2018 (HOL) Ciyaartooydii hore ee Soomaaliya ayaa xalay isagu yimi maqaayadda Daalo Magaaladda Minneapolis kulan tacsi & baroordiiq isagu jira geeridii naxdinta laheed ee ku timi Marxuum Macallinkii hore qaranka Cabdi Maxamed Ciye (Cabdi Dheere) oo shalay lagu aasay magaaladda Toronto uu ku geeryooday bishaan 13 keedii.

11/15/2018 2:35 AM EST
Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)-Shirkada magaceeda la yidhaahdo Curiye oo ay aasaaseen muwaadiniin reer Somaliland ah ayaa maamulka degmada Wajaale ku eedeeyey inay meel kaga dhaceen xaquuqdii ay u lahaayeen inay degmada ka shaqaystaan, isla markaana shirkad kale oo iyagu wateen u ogolaadeen inay degmada ka hawlgalaan.

11/15/2018 1:10 AM EST
Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)– Taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa digniin ka soo saaray shaqsiyaadka ku labista dareyska ciidamada xoogga dalka ee dadka ku dhibaateeya.

11/15/2018 12:36 AM EST
Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)– Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyay go’aanka Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ee cunaqabateyntii saarneyd looga qaaday Eritrea.

11/15/2018 12:21 AM EST
Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)– Kooxo hubeysan ayaa xalay toogasho ku dilay nabadoon lagu magacaabi jiray Cismaan Yuusuf Ciiley xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne.