4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 15, 2018
Musharrax Cali Xaaji Warsame oo maanta si ballaaran loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland

Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)- Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland ee doorashada 2019-ka, Cali Xaaji Warsame ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaas oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay.

Musharrax, Cali Xaaji ayaa ugu horrayn u mahadceliyay dadweyne badan oo isugu jira, nabadoonno, waxgarad,dhallinyaro,haween iyo qaybaha bulshada oo bannaanka hore ee magaalada iyo barxadda bartamaha ee magaalada Garoowe isugu soo baxay soo dhaweyntiisa.

"Puntland maanta waxay u baahantahay wixii aan sheegayay 2013-ka oo ahayd in loo hiiliyo , shacabka Puntland in loo hiiliyo,Hooyada Puntland in loo hiiliyo,Gabadha  Puntland in loo hiiliyo,Ardayga Puntland in loo hiiliyo, Ganacsadaha Puntland in loo hiiliyo, ciidanka Puntland qaybtii doonan ha ahaadeen  in loo hiiliyo, Naafadii ciidanka iyo intii ku dhimatay difaaca in loo hiiliyo.. Puntland maanta hiilbay nooga baahantahay." ayuu yiri Cali Xaaji oo dadweynihii soo dhaweeyay kula hadlay barxadda bartamaha ee Garoowe.

Waxa uu sheegay musharrax Cali Xaaji, Puntland inay dooneyso isbedel ka duwan midkii sanadkii 2013-ka. " Waxay rabtaa cid Puntland ictiraafta wixii u hagaagay oo ku mahad-disey intii ka shaqeysay.. Waxa ka dhiman ee ay gaari waydana ciddii dhammeystiri lahayd." ayuu ku daray.

Nabadoonno iyo waxgarad kale oo ka qaybgalay soo dhaweynta musharraxa ayaa ka sheegay barxadda bartamaha ee magaalada Garoowe inay taageersanyihiin musharrax Cali Xaaji Warsame, iyagoo u rajeeyay inuu ku guuleysto xilka uu u tartamayo ee madaxweynaha Puntland.

Cali Xaaji Warsame, oo markii labaad u sharraxan xilka madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa in ololihiisa doorashada gaarsiiyo gobollada Puntland, isagoo horay u sheegay inuu marayo dhammaan gobollada si uu guri guri ugu ogaado xaaladda shacabka Puntland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]