4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 15, 2018
Digniin loo jeediyay shaqsiyaadka dadka ku dhibaateeya dareyska ciidamada xoogga dalka

 

Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)– Taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa digniin ka soo saaray shaqsiyaadka ku labista dareyska ciidamada xoogga dalka ee dadka ku dhibaateeya.

Taliyaha ciidamada xoogga Soomaaliyeed Jen Daahir Aadan Cilmi Idhaqarshe ayaa sheegay in tallaabado adag laga qaadi doono sida uu hadalka u dhigay shaqsiyaadka isbaarada ku dhigtay dareyska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saraakiishooda-ba.

Maalmihii ugu danbeeyayba waxaa soo ifbaxayay cabasho xoogan oo laga muujinayo shaqsiyaad ku labisan dareyska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo qeybo ka mid ah gobollada dalka ku dhibaateeya dadka rayidka ah, waxaana ugu danbeeyay dhacdaddii lagu xayiray gaadiid ka badan 300 xamuul ah gobolka Shabeellaha Hoose kaddib markii ay iska diideen lacago sharci darro ah  oo ay ku soo rogeen ciidamo ka tirsan dowladda.

Taliyaha ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in dib u habeyn lagu sameeyo taliska ciidamada xoogga,islamarkaana cidii dhibaato u geysata shacabka lagula xisaabtami doono.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]