Madaxweyne Farmaajo oo soo dhaweeyay tallaabadii cunaqabateynta looga qaaday Eritrea
Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)– Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo
dhaweeyay go’aanka Golaha ammaanka Qaramada Midoobay ee cunaqabateyntii
saarneyd looga qaaday Eritrea.
Madaxweynaha ayaa sheegay in cunaqabateynta hubka
ee saarneyd Eriteriya looga qaaday dadaal wadajir ah oo ay sameeyeen,isagoona u
mahad celiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.
“Waxaan soo dhaweyneynaa hubka iyo
bartilmaameedyada kale ee cunaqabateynta ee Eriteriya codsigeena wadajirka ah
looga qaaday,Waanu uga mahad celineynaa golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay
(UNSC),dadaalkooda waxtarka leh,Geeska Afrika ayaa si dhaqso ah u u sameynaya
horumar iskaashi iyo mid dhaqaale,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo calaaqaadka
gobolku uu soo hagaagayo, heshiis taariikhi ahna ay la galeen dalalka dariska
ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
Tallaabadan golaha ammaanka ee Qaraamda Midoobey
ayaa meesha ka saaraya cunaqabatayntii Eritrea ka saarnayd soo iibsashada
hubka, shaqsiyaad dhaqaalahooda la xannibay iyo xayiraaddii dhanka socdaalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]