4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 15, 2018
Nabadoon xalay lagu dilay magaalada Beledweyne

 

Khamiis, November, 15, 2018 (HOL)– Kooxo hubeysan ayaa xalay toogasho ku dilay nabadoon lagu magacaabi jiray Cismaan Yuusuf Ciiley xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne.

Rag ku hubeysnaa bastoolado ayaa la sheegay in nabadoon weerar ku qaadeen iyaga oo toogashada kaddib-na goobta ka baxsaday.

Waxaa soconaya howlgalo ay wadaan ciidamada dowladda oo lagu baadi-gaoobayo kooxaha dilka ka danbeeyay, waxaana arintan siweyn uga xumaaday shacabka magaalada oo ka dalbaday laamaha amniga in ay qaadaan tallaabo ka dhan ah dilka nabadoona.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay dilka nabadoon, hasse ahaatee falal hore oo sidan oo kale loogu dilay qaar ka mid ah waxgaradka magaalada waxaa sheegtay Al-shabaab. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]