4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 14, 2018
Xasaaska iyo Carruurta Al-shabaab oo laga saarayo Beled-Xaawo

 

Arbaco, November, 14, 2018 (HOL)– Mas’uuliyiinta maamulka degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa markii ugu horeysay sheegay in laga saarayo degmada Xasaaska iyo Carruurta Al-shabaab.

Maxamuud Xayd Cismaan guddoomiyaha degmada Beled-Xaawo ayaa sheegay in sababta ay arintan u sameynayaan tahay sugida amniga degmada.

Laakiin dhinaca kale waxaa ay warar sheegayaan in uu jireen hanjabaado ka imanaya dhinaca Al-shabaab oo sheegay in haddii tallaabadaa uu qaado maamulka iyagu-na taa badalkeeda sameyn doonaan aar-goosi la xiriira masaafurinta qoysaskooda.

Al-shabaab ayaa la sheegayaa in deegaannada ay dowladdu maamusho u degan yihiin Xaasas iyo Carruur, dhowr jeer oo hore-na sidan oo kale looga mamnuucay qoysaska Al-shabaab degmooyinka iyo deegaannada ay dowladdu maamusho.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]