4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 14, 2018
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo isku raacay dib u eegista Miisaaniyada dowladda

 

Arbaco, November, 14, 2018 (HOL)– Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay dib u eegista miisaaniyadda dalka ee 2018ka oo ay Qaraar u soo badaleen Guddiga Maaliyadda BFS.

Kulanka uu shir guddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha shacabka mudane C/weli Sheekh Ibrahim Muuday ayaa Dhageysi iyo dood dheer kadib codbixinta Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa u dhacday sidatan, 153 ayaa ogalaatay, 2 wey diiday halka 3 kalana ay ka aamustay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaliya Dr C/raxmaan Ducaale ayaa uga mahadceliyay Golaha Shacabka maadaama ay meel mariyeen dib u eegista Miisaaniyadda Dalka oo lacag dhan $22.5 Milyan ay ku korortay $17 milyan oo ka mid ah lacagta korortayna waa Mishaarka ciidamada xoogga dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]