4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 14, 2018
NISA oo sheegatay in ay gacanta ku dhigtay xubin ka tirsan Daacish

 

Arbaco, November, 14, 2018 (HOL)– Taliska NISA ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamada Amniga dowladda ku soo qabteen xubin ka tirsan kooxda Daacish magaalada Muqdisho.

Sida lagu shaaciyay qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in xalay fiidkii ay Ciidamada Amniga qabteen shaqsigan

‘’Ciidamada Amniga ayaa fiidnimadii xalay oo ku beegan 13-ka Novembar 2018, Magaalada Muqdisho ka soo qabtay shakhsi ururka ISIS ee Soomaaliya iyo Xagjirka wadamada kale ka jira u kala gudbin jiray dhaqaalaha. Qabashada shakhsigan ayaa dhantaalaysa marinada dhaqaale ee ISIS”ayaa lagu yiri qoraalka barta Twitter-ka ee NISA.

Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale taliska NISA uu sheegto qabashada xubno ka tirsan kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda, hasse ahaatee sheegashada hay’adda Nabad-sugida marnaba laguma muujiyo shaqsiyaadka la sheegay in la soo qabtay ama xitaa magac-yadooda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]