Ciidamada dowladda oo lagu eedeeyay in ay gaadiid ku xanibeen gobolka Shabeellaha Hoose
Arbaco, November, 14, 2018 (HOL) – Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha hoose ayaa
sheegaya in ku dhawaad 300 oo gaadiid xamuul oo raran ku xayiran yihiin halkaa,
kaddib markii ay ciidamada dowladdu bilaabeen in ay gaadiidka ka qaadaan lacago
aan sharci aheyn.
Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Shabeellaha Hoose Cabdifitaax
Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in gaadiidkan ku xayiran gobolka ay u kala socdeen
deegaanno kala duwan oo dalka ah, hasse ahaatee ay awoodi waayeen sida uu
hadalka u dhigay lacago uu tilmaamay in baad yihiin oo ciidamada dowladdu ka
qaataan gaadiidka.
‘’Dowladda marar badan oo horay aan cabashadan
ugu gudbinay waxba wey ka qaban weyday ciidamada dowladda ee gobolkan ku sugan,
ayuu yiri’’ guddoomiye ku-xigeenka.
Waxaa uu sheegay in gaadiidka laga rabo lacag xad
dhaaf ah oo aysan bixin karin,islamarkaana maamulka gobolka Shabeellaha Hoose
aysan waxba ka qabankarin.
Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu tilmaamay
halka ay yaalaan Jid-gooyoooyinka ugu badan oo ay ku sugan yihiin ciidamada
dowladda Soomaaliya, kuwaa oo dhowr jeer oo hore cabashooyin laga so gudbiyay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]