3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 13, 2018
Itoobiya oo xirtay tiro ka badan 60 sarkaal

 

Talaado, November, 13, 2018 (HOL) – Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya waxay sheegayaan in xabsiga loo taxaabay tiro ka mid ah saraakiisha ammaanka dalkaasi kaddib lagu eedeeyay musuq maasuq iyo in ay ku xadgudbeen xuquuqda aadanaha.

Saraakiisha  iyo ciidaammada la xiray waxa ay ka badan yihiin 60 ruux, xeer ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya Berhanu Tsegaye ayaa shir ja’raaid ka sheegay inay tacaddiyada ay gaysteen saraakiisha la xiray ay kamid yihiin kufsi iyo inay jirddileen dad dambiyo lagu soo eedeeyay oo gacantooda ku jiray.

Waxaa la sheegay in saraakiisha ay dadka ku ciqaabayeen xabsi ku yaalla god hoostiisa oo sharci darro ah.

Xiritaanka saraakiishan ayaa imaanaya xilli baaritaanno ay ku socdaan saraakiil ka howlagaleysay shirkadda Metec, qaar kamid ah shaqaalaha shirkadda ay maamulaan militariga ee Metec ayaa kamid ah dadka la xiray.

Bishii Agosto ayay ahayd markii ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed uu ku baaqay in meesha laga saaro qanddaraas la siiyay mid kamid shirkadaha dalkaasi oo dib uu dib dhac ku yimid fullinta mashruuca dhisitaanka biyo xireen halkaasi ku yaalla.

BBC

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
11/13/2018 12:32 PM EST
Talaado, November, 13, 2018 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo deegaanka Mooyaale oo ku dhaca xadka kala qeybiya Kenya iyo Itoobiya ku dhaxmaraya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

11/13/2018 10:21 AM EST
Talaado, November, 13, 2018 (HOL) –Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Mudane Axmed Max'ed Islaam ayaa magacaabay wasiiru dowlayaal iyo wasiir ku xigeenno....

11/13/2018 9:07 AM EST
Talaado, November, 13, 2018 (HOL) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay weerar lagu qaaday shaqaale ka tirsan shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, kaddib markii koox hubeysan weerar ku qaadeen xili shaqaalaha ay ku soo jeedeen masjid ku yaala degmada Isgoyska Baar-Ubax ee degmada Howl-wadaag.

11/13/2018 7:10 AM EST
Talaado, November, 13, 2018 (HOL)– Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta daah furay Madasha Siyaasada Dhaqaalaha Qaranka oo ay ka qeyb galayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, Ganacsato, Xubno ka socda Jaamacadaha salka iyo wakiillo ka socda beesha Caalamka.

11/13/2018 7:03 AM EST
Talaado, November, 13, 2018 (HOL)– Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya iyo hay'adda IOM ayaa iska kaashanaya mashaariic lagu horumarinayo degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.

11/13/2018 6:52 AM EST
Talaado, November, 13, 2018 (HOL)– Shirka 32-aad ee Maayaradda Casimadaha dalalka Islaamka ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti,kaas oo looga hadlayey iskaashiga magaalooyinka iyo mashaariicda horumarineed ee bilicda caasimadaha sare loogu qaadayo.

11/13/2018 6:43 AM EST
Talaado, November, 13, 2018 (HOL)- Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Soomaaliland,Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay maamulka Soomaaliland in laga soo xiray waddanka Itoobiya oo wada shaqayn dhow ay lahaayeen.

11/13/2018 6:32 AM EST
Talaado, November, 13, 2018 (HOL)- Wafdi uu hoggaaminayo ku-xigeenka ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Rai Zanenga ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta kumeelgaarka ah ee maamulka Koonfurgalbeed.

11/13/2018 6:15 AM EST
Talaado, November, 13, 2018 (HOL)- Isu soo bax looga soo horjeedo nin ay Maxkamadda Ciidammada Puntland ku xukuntay dil toogasho ayaa maanta ka dhacay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

11/13/2018 5:39 AM EST
Talaado, November, 13, 2018 (HOL)–Hay’adda duulista hawadda Soomaaliyeed ayaa horgeysay Baarlamaanka Soomaaliya sharciga hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed, iyadoo sharcigan muhiimada uu leeyahay uu ka hor aqriyay xildhibaannada Agaasimaha waxaada Duulista Hawada Soomaaliyeed Mudane Axmed Macalin Xassan.

11/13/2018 3:47 AM EST
Talaado, November, 13, 2018 (HOL)-Sida Hiiraan Online uu u sheegay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya xarumaha ilaa 7 Wasaarraddood oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa laga jartay korontadii ay ku shaqeynayeen

11/13/2018 1:11 AM EST
Talaado, November, 13, 2018 (HOL) - Iyadoo Jimcihii aynu soo dhaafnay magaalada Muqdisho ay ka dhaceen Qaraxyo sababay dhimashada dad ka badan 50 ruux ayaa waxaa soo baxaya amarro la farayo taliyeyaasha iyo saraakiisha ciidamada degmooyinka gobolka Banaadir.

11/13/2018 12:20 AM EST
Talaado, November, 13, 2018 (HOL)- Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe ku dhaxmaray xoogag ka wada tirnaa Al-shabaab sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka.