4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 13, 2018
Wasaarraddo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo korontadii laga jartay

 

Talaado, November, 13, 2018 (HOL)-Sida Hiiraan Online uu u sheegay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya xarumaha ilaa 7 Wasaarraddood oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa laga jartay korontadii ay ku shaqeynayeen

Wararku waxaa ay sheegayaan wasaarraddahan muddo dhowr bilood ah aysan bixin lacagihii lagu lahaa, taasoo keentay in markii danbe laga jarto korontadii ay ku shaqeynayeen, waxaana Wasaarradahan kala yihiin “ 1-Beeraha 2- Ganacsiga 3-Xanaanada xoolaha 4- Patroolka 5-Wasaaradada hawlaha guud iyo dibushiska 6- Wasaradda gaadiidka 7- Boostada iyo isgaarsiinta.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Wasaaradaha laga jartay Korontada heli waayeen lacagihii loogu tala galay adeegyada lagama maarmaanka u ah Wasaaradaha sida biyaha iyo Korontada oo qarash gaar wasaarad walba loo siin jiray inay ku dabirto arrimahaas.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalintii shalay ka doodday Miisaaniyadda dowladda oo ay soo gudbisay Wasaarradda Maaliyadda Soomaaliya.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ka oo baxay Wasiirradda Wasaarradahan la sheegay in laga jartay Korontada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]