3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 12, 2018
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo ka dooday Miisaaniyadda dowladda

 

Isniin, November, 12, 2018 (HOL) – Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta ka dooday ku noqoshada miisaaniyadda dowladda 2018 oo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda.

Kulanka oo uu shir guddoominaayay guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa waxaa soo xaadiray 148 xildhibaan.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa dood dheer ka yeeshay ku noqoshada miisaaniyadda, xildhibaanada ayaa soo bandhigay talooyin ku saabsan noqoshada miisaaniyadda iyo meelaha u baahan sixitaanka.

Sidoo kale xildhibaanada qaar ayaa soo jeediyay in si deg deg ah lagu ansixiyo ku noqoshada miisaaniyadda 2018 oo ay ku jiraan xuquuqda iyo mushaarka ciidamada dowladda.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya mudane C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa xildhibaanada ka codsaday in la ansixiyo.

Dood dheer iyo dhageysi talooyinka xildhibaanada ka dib waxaa guddiga maaliyadda la faray in ay ka soo shaqeeyaan arrintaan, kana soo dhigaan qaraar, golaha shacabkana usoo gudbiyaan maalinta Arbacada.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay in golaha shacabka uu arrintaan ku wareejiyay guddiga maaliyadda si loogu soo dhigo qaraar.

 

“Wasiir anagu waxan ansixinaa qaraar uu guddi soo diyaariyay, hadaba deg degta jirta awgeed guddiga maaliyadda iyo miisaaniyadda inoogu xil saran waxan ka rabnaa iney arrinkaan ka soo shaqeeyaan oo ay noo keen Arbacada si golaha uu u ansixiyo qaraar cad oo dhan walbo laga soo diyaariyay”. ayuu yiri guddoomiye Mahad.

Dhanka kale wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Salaad “ Oomaar” ayaa xildhibaanada golaha shacabka ka hor aqriyay xeerka hay’adda duulista rayidka iyo saadaasha hawada.

Wasiirka ayaa sheegay in xeerkan uu muhiim u yahay dalka wax badan oo hormar ahna laga gaari doono hadii golaha shacabka ay ansixiyaan.

“Hindise sharciyeedkan waxaa uu aas aas u yahay hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed waa muhiim in si wadajir ah loogu shaqeeyo si caalamka aan ula tartan” ayuu yiri wasiir Oomaar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 












Click here
11/12/2018 10:17 AM EST
Isniin, November, 12, 2018 (HOL) -Xukuumada Somaliland ayaa maanta mamnuucday in xilliyada dambe hoteelada lagu caweeyo,isla markaana amar ku siisay taliyeyaasha magaalooyinka in aanay ogolaan in kow iyo tobanka habeenimo iyo konton miridh wixii ka dambeeya lagu caweeyo hoteeladda.

11/12/2018 6:16 AM EST
Isniin, November, 12, 2018 (HOL)- Waxaa lagu guuleystay in la demiyo dab qabsaday qeyb ka mid keydka hadalka Radio Muqdisho (Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya) oo ku yaala xarunta Wasaaradda Warfaafinta, ayadoo dabkaasina uu ka dhashay koronto saacadu marka ay aheyd 10-kii barqanimo.

11/12/2018 5:02 AM EST
Isniin, November, 12, 2018 (HOL)-Dowladda Eritrea ayaa hadda u muuqata in ay dib u soo ceshaneyso maqaamkeedii dunida, kaddib markii sanadkii hore uu dhacay heshiis taariikhi ah oo dhaxmaray dowladdaha gobolka, gaar ahaan Itoobiya iyo Eritrea.

11/12/2018 4:27 AM EST
Isniin, November, 12, 2018 (HOL) -Dowladda Soomaaliya ayaa isbadal kooban ku sameysay qaar ka mid ah taliyayaasha saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir.

11/12/2018 3:29 AM EST
Isniin, November, 12, 2018 (HOL) -Diyaaradda Kenyan Airways ayaa duulimaadkeeda ku fidin doonta Geeska Afrika,waxayna howlgal duulimaad ah ka bilaabi doontaa Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho 15-ka bishan November 2018.

11/12/2018 1:27 AM EST
Isniin, November, 12, 2018 (HOL)–Waxaa hakad ku yimid howlihii dulimaadka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaddib dab ka kacay maqaaxi ku taala gudaha Garoonka.

11/12/2018 12:43 AM EST
Isniin, November, 12, 2018 (HOL) – Lix ruux oo Falastiiniyiin ah oo uu ku jiro sarkaal ururka Xamaas ka tirsan ayaa la dilay intii Israa'iil ay hawlgalka ka waday marinka Qaza, sida ay masuuliyiinta Falastiintu sheegeen.

11/12/2018 12:36 AM EST
Isniin, November, 12, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmdug ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe ee federaalka in ay ka danbeyso sida uu hadalka u dhiggay dilallka iyo dagaallada ka dhaca deegaannada Galmudug.