3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 12, 2018
Xaaf oo dowladda ku eedeeyay dilalka iyo dagaallada ka dhaca deegaannada Galmudug

 

Isniin, November, 12, 2018 (HOL) –Madaxweynaha dowlad gobolleedka Galmdug ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe ee federaalka in ay ka danbeyso sida uu hadalka u dhiggay dilallka iyo dagaallada ka dhaca deegaannada Galmudug.

Wuxuu sheegay in muddadii ay jirtay Galmudug aysan jirin wax u soo kordhay isaga oo arintaa ku sababay dhibaatooyin ka dhashay saameynta dowladda ay ku leedahay deegaannada maamulka uu ka arimiyo oo ka dhasheen falal aan wanaagsaneyn.

‘’Hadda waxa ka dhacaya Balanbale, Cadaado, Hobyo iyo Afbarwaaqo waan la socnaa, waa ukumihii ay iyagu meesha dhigeen oo midba mar dilaacaya’’ ayuu yiri madaxweynaha dowlad gobolleedka Glamudug.

Wuxuu ka digay sii socoshada khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada oo haddii aan wax laga qaban ayuu yiri keeni kara burbur guud ahaanba ku dhaca dalka iyo dowladnimada.

Xaaf ayaan ugu danbeyntii sheegay in khilaafkan uu sababay hormar la’aan, madaama ayuu yiri sanadihii ugu danbeeyayba Soomaaliya iyo degaannada kale ee dalka inta aan laga sameyn hormar la taaban karo sababo la xariira Khilaafka ka dhex jira dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.

Galmudug ayaa marka laga soot ago khilaafka kala dhaxeeya dowladda waxaa ay gudaheeda la daalaa=dhaceysaa kala qeybsanaa siyaasadeed, madaama kol hore Cadaado looga dhawaaqay madaxweyne kale iyo gole Wasiirro cusub.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
11/12/2018 12:38 PM EST
Isniin, November, 12, 2018 (HOL)–Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta ka dooday ku noqoshada miisaaniyadda dowladda 2018 oo ay soo gudbisay wasaaradda maaliyadda.

11/12/2018 10:17 AM EST
Isniin, November, 12, 2018 (HOL) -Xukuumada Somaliland ayaa maanta mamnuucday in xilliyada dambe hoteelada lagu caweeyo,isla markaana amar ku siisay taliyeyaasha magaalooyinka in aanay ogolaan in kow iyo tobanka habeenimo iyo konton miridh wixii ka dambeeya lagu caweeyo hoteeladda.

11/12/2018 6:16 AM EST
Isniin, November, 12, 2018 (HOL)- Waxaa lagu guuleystay in la demiyo dab qabsaday qeyb ka mid keydka hadalka Radio Muqdisho (Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya) oo ku yaala xarunta Wasaaradda Warfaafinta, ayadoo dabkaasina uu ka dhashay koronto saacadu marka ay aheyd 10-kii barqanimo.

11/12/2018 5:02 AM EST
Isniin, November, 12, 2018 (HOL)-Dowladda Eritrea ayaa hadda u muuqata in ay dib u soo ceshaneyso maqaamkeedii dunida, kaddib markii sanadkii hore uu dhacay heshiis taariikhi ah oo dhaxmaray dowladdaha gobolka, gaar ahaan Itoobiya iyo Eritrea.

11/12/2018 4:27 AM EST
Isniin, November, 12, 2018 (HOL) -Dowladda Soomaaliya ayaa isbadal kooban ku sameysay qaar ka mid ah taliyayaasha saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir.

11/12/2018 3:29 AM EST
Isniin, November, 12, 2018 (HOL) -Diyaaradda Kenyan Airways ayaa duulimaadkeeda ku fidin doonta Geeska Afrika,waxayna howlgal duulimaad ah ka bilaabi doontaa Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho 15-ka bishan November 2018.

11/12/2018 1:27 AM EST
Isniin, November, 12, 2018 (HOL)–Waxaa hakad ku yimid howlihii dulimaadka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaddib dab ka kacay maqaaxi ku taala gudaha Garoonka.

11/12/2018 12:43 AM EST
Isniin, November, 12, 2018 (HOL) – Lix ruux oo Falastiiniyiin ah oo uu ku jiro sarkaal ururka Xamaas ka tirsan ayaa la dilay intii Israa'iil ay hawlgalka ka waday marinka Qaza, sida ay masuuliyiinta Falastiintu sheegeen.