3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 11, 2018
Dunidda oo laga xusayo 100 sano guurradii kasoo wareegtay dagaalkii koowaad

Axad, November, 11, 2018 (HOL) -  Waxaa qaybo kamid ah caalamka ka socotaa munaasabadaha lagu xusayo 100 sanaguuradii kasoo wareegtay dagaalkii koowaad ee Adduunka. Waxaana lagu maamuusaya markii lasoo afjaray dagaalka oo ay ahayd sannadkii 1918-kii.

Dalka Australia,kumananaan kamid ah dadkii soo dagaallamay dagaalka ayaa maanta ka qayb galay munaasabad lagu qabtay magaalada Canbera.

Halka caasimadda dalka New Zealand ee Wellington lagu qabtay bandhig xabado rid ah.
Dalka Hindiya, xus ayaa loo sameeyay 74,000 oo cidaan oo Hindiya uga dhintay dagaalkii Koowaad ee Adduunka.

Munaasabadda ugu wayn ee xuska dagaalkii Koowaad ee adduunka waxaa maanta lagu qabanaya Yurub gaar ahaan degmada Arc de Triomphe oo ku taalla magaalada Paris ee dalka Faransiiska, waxaana ka qeyb galaya hoggaamiyeyaal ay kamid yihiin madaxweynaha Mareykanka Trump iyo dhiggiisa Ruushka Putin.

Dalka Britain, waxaa lagu qabtay munaasabado gaar ah oo lagu xusayo dagaalkii Koowaad ee dhacay intii u dhexeeysay sannadihii 1914-kii iyo 1918-kii.

Markii ugu horreysay, dadweynaha qaar ayaa loo ogolaaday inay tegaan xarunta ay ka socota munaasabadda Whitehall ee bartamaha magaalada London.

Maxaa laga bartay dagaalkii Koowaad ee Adduunka

Markii uu khudbadda ka jeedinayay magaalada Canbera, Ra'iisul wasaaraha Australia Scott Morrison wuxuu ku dheeraday muhiimadda xuska wuxuuna yiri 'Dadka waxaa laga doonaya inay wax ka bartaan waxyaabihii lasoo maray, marka sii aan u qorsheyno sidii ay isbaddallo u gaari lahaayeen carruurteenna iyo jiilalka soo socda'.

Ololahii lagu magacaabay Gallipoli ee sannadkii 1915-kii wuxuu jab ku reebay ciidammada Australia iyo New Zealand .

Ra'iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi wuxuu bartiisa Twitter-ka soo dhigay qoraallo uu ku sheegayo in dalkiisa uusan si toos ah uga qeyb qaadan dagaalkii Koowaad balse ciidammada Hindiya ay kasoo dagaallameen waddamo badan si ay xoojiyaan ammaanka dunida.

Hoggaamiyeyaasha oo ku kulmay Paris

Diiradda waxaa la saaraya dalalka reer Yurub, halkaaso 70 hoggaamiyeyaal oo caalamka ka socda ay ku kulmayaan magaalad Paris si ay ugu qeyb galaan 100 sanno guuradii kasoo wareegtay dagaalkii Koowaad ee Adduunka.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, ayaa hoggaaminaya munaasabadda ugu wayn oo maanta ka dhaceysa qabuuro ay ku aasan yihiin ciidammadii Faransiiska ee ku dhintay dagaalka gaar ahaan degmada Arc de Triomphe ee magaalada Paris.

Maanta gelinka dambe, kulan looga hadlayo arrimaha ammaanka ayaa ka dhacaya Paris, waxaana ka qeyb galaya hoggaamiyaha Jarmalka Angela Merkel, madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo hoggaamiyeyaal kale.

Sabtidii Macron iyo Merkel waxay booqdeen magaalada waqooyiga Faransiiska ku taalla ee Compiègne halkaas o ay ku saxiixeen buug xusuus ah.

Madaxweyne Mareykanka Donald Trump ayaa baajiyay booqasho uu ku tegi lahaa qaaburo ku yaalla halkaasi oo ay ku aasan yihiin dadkii ku dhintay dagaalkii Koowaad.

Ururrada bulshada rayidka oo gaarayo 50 urur ayaa qorsheynaya inay Paris ka dhigaan dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan booqashada Trump uu ku joogo Faransiiska.

Xigasho: BBC












Click here
11/11/2018 10:49 AM EST
Axad, November, 11, 2018 (HOL)–Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta kulan la qaatay wefti ka socday qaramada midoobay iyo urur-goboleedka IGAD.

11/11/2018 10:31 AM EST
Axad, November, 11, 2018 (HOL) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta warbixin ku saabsan xoojinta dib-u-habeynta nidaamka maaliyadda dalka iyo horumarrada laga gaaray ka dhagaystay Golaha Dhaqaalaha Qaranka.

11/11/2018 10:26 AM EST
Axad, November, 11, 2018 (HOL)– Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi u hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inuu booqdo degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

11/11/2018 7:30 AM EST
Axad, November, 11, 2018 (HOL) - Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir,Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeyb-galay Shirka Maayarada Magaalooyinka dalalka Islaamka oo sanadkan lagu qabtay Jamhuuriyadda Jabuuti ayna marti-gelisay Duqa Jabuuti Marwo Faadumo Cawaale Cismaan.

11/11/2018 7:25 AM EST
Axad, November, 11, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa magacaabay taliyaha cusub ee xasillinta magaalada xarunta ah ee Garoowe, sida ku cad wareegto goor dhow uu baahiyay xafiiska madaxweynaha.

11/11/2018 7:17 AM EST
Axad, November, 11, 2018 (HOL) - Ciidammada Booliska Soomaaliya ayaa xalay waxaa ay baaritaano ka sameeyeen duleedka magaalada Muqdisho.

11/11/2018 7:11 AM EST
Axad, November, 11, 2018 (HOL) - Danjiraha dowladda Britain ee Soomaaliya,Davin Cocar ayaa magaalada Baydhabo kulan kula qaatay guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed iyo musharrixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha ee dowlad-gobolleedka.

11/11/2018 7:02 AM EST
Axad, November, 11, 2018 (HOL) - Hal qof oo xoolo dhaqato ah ayaa xalay lagu diley meel aan sidaasi uga durugsanayn degmada Towfiiq ee gobolka Mudug, Puntland, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

11/11/2018 6:50 AM EST
Axad, November, 11, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan deg deg ah isugu yeeray Taliyeyaasha ciidammadan oo ay ka wada-hadleen arrimo la xiriira amniga iyo weerarkii Muqdisho ka dhacay maalintii Jimcaha.

11/11/2018 5:21 AM EST
Axad, November, 11, 2018 (HOL) -Kaddib is casilaadii gudddiggii doorashada maamulka Koonfur Galbeed waxaa soo ifbaxday shaki laga qabo dib u dhac ku iman kara waqtigga doorashada oo markii hore loo ballamay 17ka bisha.

11/11/2018 1:39 AM EST
Axad,November, 11, 2018 (HOL) - Duqa caasimadda Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan magaalada Jabuuti , halkaas oo uga qeyb galayaan shirka Maayarada dalalka Islaamka.

11/11/2018 1:34 AM EST
Axad,November, 11, 2018 (HOL) - Jaaliyadda Soomaalida ah ee dalka Australia ayaa cambaareeyay weerar uu geystey muwaadin Somali-Australian ah kaasoo uu ku dhintey hal ruux labo kalana ay ku dhaawacmeen.

11/11/2018 1:22 AM EST
Axad,November, 11, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in dowladda dhexe ee federaalka Soomaaliya ay rabto inay awoodaha, daqliga iyo dhismaha dowladnimo iyo xariirka dibadda ay rabto in iyada isku koobto.

11/11/2018 1:07 AM EST
Axad,November, 11, 2018 (HOL) - Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa sheegay gobolka Geeska Afrika inuu sii yeelan doonin saddex madaxwayne, isagoo ka hadlayay khudbad uu ka jeedinayay Tibebe Ghion Specialized Hospital ee magaalada Bahardar ee gobolka Amxaarada, iyadoo ay dhinac taaganyihiin madaxwaynayaasha Soomaaliya iyo Eriteriya, sida laga soo xigtay Eritrean Press (EP).