4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 11, 2018
Ciidammada Booliska oo howlgallo ka sameeyay duleedka Muqdisho

Axad, November, 11, 2018 (HOL) - Ciidammada Booliska Soomaaliya ayaa xalay waxaa ay baaritaano ka sameeyeen duleedka magaalada Muqdisho.

Baaritaanka ayaa waxaa ay ka dhaceen inta u dhaxeyso deegaanka Tareedisho iyo Garisbaalay ee duleedka Muqdisho.

Ciidammada ayaa baaritaanada ka sameeyay xaafadaha deegaanadaasi, iyadoona baaritaanadan ay ku soo beegmayaan xilli maalmihii ugu dambeeyay ay dilal qorsheysan ka dhacayeen deegaanadaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ciidammada ay baarayeen guri guri, iyagoo dadka su’aalo weydiinayay.Wararka qaar ayaa sheegaya intii uu socday howlgalkaas lagu qabtay dad kala duwan, balse lama oga tiradooda.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha Booliska Soomaaliya oo looga hadlay howlgalka ay ciidammada ka fuliyeen duleedka Muqdisho.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]