4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 11, 2018
Koonfur Galbeed : Doorashada waqtiggeeda ayeey ku dhaceysa

 

Axad, November, 11, 2018 (HOL) -Kaddib is casilaadii gudddiggii doorashada maamulka Koonfur Galbeed waxaa soo ifbaxday shaki laga qabo dib u dhac ku iman kara waqtigga doorashada oo markii hore loo ballamay 17ka bisha.

Wasiirka Wasaarradda Warfaafinta Soomaaliya Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in doorashadu ku dhici doonto sida uu hadalka waqtiggii loo qorsheeyay, isaga oo intaa ku daray qaabka iyo farsamada doorashada ay u dhici doonto laga sugayo guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ahna ku-simaha madaxweynaha Shariif Sheekhu-na Maye.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dhawaan lasoo magacaabi doono tirada ka  dhiman gudiga doorashada maamulkaasi oo dhawaan iscasilay.

Dhawaan waxaa is casilay oo xilkii madaxweyaha ka degay Shariif Xassan Sheekh Aadan oo sidoo kale sheegay in uu isaga baxay tartankii doorashada, isaga oo dowladda ku eedeeyay in ay fara-galin ku sameysay hanaanka doorashada Koonfur Galbeed.

Musharixiinta qaarkood ayaa dalbanaya in doorashada dib loo dhiggo, hasse ahaatee Xassan Cabdi Maxamed Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed ayaa sheegay in wali waxba iska badalin qorshihii jadwalka doorashada ee ahaa in la qabto 17ka bishan , walow wali aan la soo magacaabin xubnihii buuxin lahaa boosaskii ay banneeyeen guddiggii hore ee xilalka iska casilay 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]