4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 11, 2018
Duqa Muqdisho oo Jabuuti kaga qeyb galaya Shirka Maayarada dalalka Islaamka

Axad,November, 11, 2018 (HOL) - Duqa caasimadda Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir , Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan magaalada Jabuuti , halkaas oo uga qeyb galayaan shirka Maayarada dalalka Islaamka.

Guddoomiyaha ayaa markii uu gaaray garoonka diyaaradaha caasimadda Jabuuti waxaa ku soo dhaweeyey dhiggiisa magaalada Jabuuti Marwo Faadumo Cawaale Cismaan iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalkaas Maxamed Cali Nuur.

Duqa Muqdisho ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa Jabuuti soo dhaweynta walaaltino ee loo sameeyey. Isagoo ku bogaadiyey taageerada joogtada ah ee mar walba la garab taagan yihiin Shacabka iyo Dawladda Soomaaliyeed.

Duqa Muqdisho ayaa waxaa socdaalka ku weheliya Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed iyo Agaasimaha Xafiiska Duqa.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]