4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 10, 2018
Akhriso : War-murtiyeedka shirka hoggaamiyayaasha gobolka

 


Sabti, November, 10, 2018 (HOL)-Waxaa magaalada Bahar Dar ee dalka Itoobiya ku soo dhamaaday shir ay halkaa ku lahaayeen hoggaamiyayaasha saddexda dal ee Soomaaliya, Eritrea  iyo Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa shirkooda labaad diiradda ku saaray is bedeladii taariikhiga, nabadda iyo is dhex galka Gobolka Geeska Afrika.

Madaxda ayaa isku afgartay in ay dib u eegis ku sameeyeen heshiiskii iskaashi  ee ay bilo ka hor ku kala saxiixdeen magaalada Asmara, horumaradii iyo  guulihii laga gaaray.

Madaxda ayaa waxay isla garteen muhiimadda ay leedahay in la  ixtiraamo madax banaanida, dhuleed, mid siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaa ay  muujiyeen taageeradooda adag ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed iyo  hey’adaheeda, waxay kaloo ammaaneen dadaalka dowladda ugu jirto soo  celinta nabadgelyad iyo xasiloonida

Madaxda saddexda dal ayaa soo dhoweeyay dadaalada la doonayo in  cunaqabateynta looga qaado dalka Eritrea, taasoo lagu wado in dhawaan  Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu ka qaado cunaqabateyntii  saarneyd dalkaas.

Akhriso War-murtiyeedka :  


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]