4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 23, 2018
Puntland oo sheegtay in dil toogasho ah lagu fulin doono cid kasta oo gacan taageero siisa Somaliland

 

Arbaco, May, 23, 2018 (HOL) –Guddiga difaaca dowlad gobolleedka Puntland ayaa maanta soo saaray amar culus oo intooda badan quseeya dadka taageerada u fidiyay ama wararka maamulka u gudbiya sida hadalka u dhigeen Somaliland.

Guddoomiyaha guddigaan ahna,Wasiirka Amniga dowladda Puntland,Axmed Cabdullaahi Yuusuf(Dowlad) oo ay garab taagan yihiin xubnaha kale ee guddiga ayaa saxaafadda u akhriyay go’aannadan.

Xukunnada la soo saaray ayaa waxaa ka mid ah in dil-toogasho ah lagu fulinayo qof kasta oo lagu helo isagoo sir u gudbinaya maamulka Somaliland ,ama jaajuusnimo ula shaqeeya,sida ku xusan qoraalka.

Sidoo kale Wasiirada Warfaafinta iyo Arrimaha Gudaha oo dhinacooda Warbaahinta la hadlay ayaa xoojiyay go’aannadan iyo xukunnada ay xambaarsan yihiin ee lagu soo rogay ciddii lagu helo in ay Somaliland ka gacan-siisay dagaalka.

Waa markii ugu horeysay oo xukun noocan oo kale ah Puntland ay ku soo rogto dadka xiriirada kala duwan la yeesha Somaliland, waxaana uu go’aankan imanaya kaddib dagaal culus oo dhawaan labada maamul ku dhaxmaray deegaanka Tuka-Raq.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]