4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 23, 2018
Iska horimaad gudaha Suuqa Bakaaraha ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan dowlada iyo rag bastoolado ku hubeysnaa

Arbaco, May, 23, 2018 (HOL) –Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho iska horimaad ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan dowladda iyo afar ruux oo sida la sheegay bastoolado ku hubeysnaa.

Dagaal kooban oo dhaxmaray labada dhinac ciidamada dowladda ayaa ku guuleystay in ay toogtaan labo ka mid ah dableydii dagaalka ka qeybqaadatay, halka labo kalana ay goobta ka baxsadeen.

Iska horimaadka oo ka dhacay dhabarka danbe ee daarta Shirkadda DahabShiil, ayaa qal qal ku abuuray dadkii goobta ka agdhawaa.

Raga toogashada lagu dilay iyo labada kale ee baxsatay ayaa la tuhusan yahay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Ilaa iyo hadda lama hayo faah faahin intaa ka badan, hasse ahaatee ururka Al-shabaab ayaa inta badan toogasho ka geystay qeybaha kala duwan ee magaalada iyaga oo adeegsanaya bastoolado.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]