4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 22, 2018
Daacish oo sheegatay in ay ka danbeeyeen dil maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

 

Talaado, May, 22, 2018 (HOL) – Ururka Daacish ee ka bar bar dagaalama Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay sheegtay in ay iyagu ka danbeeyeen weerar saacadihii hore ee maanta lagu dilay askari ka tirsanaa ilaalada Wadooyinka Taraafiko magaalada Muqdisho.

Daacish ayaa sheegatay in ay dileen sida ay hadalka u dhigeen sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya waxaana ay soo bandhigeen sawirka qofka toogashada geystay oo dilaya Askariga.

Xoogaggan ka tirsan Daacish ayaa inta badan ka dagaalama gobolka Bari ee maamul gobolleedka Puntland, hasse ahaatee marar badan oo hore ayeey sheegteen dilal iyo weerarro ka dhacay Koonfurta dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, ugu yaraan shan qof ayaa ku dhaawacantay weerar loo adeegsaday baabuur uu wado qof ismiidaamiye ah oo lala damacsanaa kolonyo ka tirsan ciidamada amniga ee Soomaaliya, magaalada Afgooye

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]