3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 22, 2018
Howlgal dad lagu soo qabqatay oo laga sameeyay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho

 

Talaado, May, 22, 2018 (HOL) – Howlgalkan ayaa ka danbeeyay kaddib Qarax miino oo fiidnimadii xalay ka dhacay inta u dhaxeysa Ex Koontarool Afgooye iyo xaafadda Haanta-Dheer, kaasoo sababay dhimashada Labo ruux oo shacab ah.

Qaraxan miino ee dadka badan loo soo xiray ayaa lagu bartilmaameedsay gaari Cabdi Bille ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan militariga Soomaaliya, hasse ahaatee lama sheegin wax khasaare ah oo ciidamada ka soo gaaray Qaraxa.

Howlgalkan oo ay ciidamadu xalay sameeyeen saqdii dhexe ayaa lagu soo qabqabtay dad u badnaa dhalinyaro, kuwaa oo loo gudbiyay xarumaha baarista, waxaana ay hay’addaha amnigu sheegeen in la sii deyn doono cid kasta oo aan danbi laheyn.

Al-shabaab ayaa inta badan waxa ay weeraro iyo Qaraxyo ka geystaan fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka, balse ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
5/22/2018 12:32 PM EST
Talaado, May, 22, 2018 (HOL)–Ururka Daacish ee ka bar bar dagaalama Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay sheegtay in ay iyagu ka danbeeyeen weerar saacadihii hore ee maanta lagu dilay askari ka tirsanaa ilaalada Wadooyinka Taraafiko magaalada Muqdisho.

5/22/2018 12:11 PM EST
Talaado, May, 22, 2018 (HOL) – Iyadoo uu soconayo gurmad ballaaran loogu tala-galay in lagu caawiyo dadka ay wax-yeelladu ka soo gaartay daadadka iyo fatahaada ku dhufatay qeybo ka mid ah gobollada dalka, ayeey Jaamacada SIMAD dawo ugu deeqday dadka ay wax yeelladu ka soo gaartay Fatahaada ku dhuftay dhawaan magaalada Beledweyne.

5/22/2018 9:04 AM EST
Talaado, May, 22, 2018 (HOL)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici ayaa walaac xoogan ka muujiyey deegaanadii ay duufaantu ku dhufatay ee gobolada Awdal iyo Selel oo uu sheegay in dad iyo duunyaba khasaare weyni soo gaadhay.

5/22/2018 8:54 AM EST
Talaado, May, 22, 2018 (HOL)-Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ayaa sheegaya in goor dhaw weerar Ismiidamin ah oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu beegsaday ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

5/22/2018 6:33 AM EST
Talaado, May, 22, 2018 (HOL)-War-saxaafadeedka oo soo saareen Wasiirada Howlaha guud ee dowlad gobolleedyada, Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa u dhignaa sidan:-

5/22/2018 4:51 AM EST
Talaado, May, 22, 2018 (HOL) -Cismaan Shidane oo 20 sano jir ahaa ayaa ku geeryooday Isbitaal ku yaala magaalada London saddex cisho kaddib markii dad aan la garaneynin dhowr jeer Toorey ku dhufteen isaga oo ku sugnaa waqtigaa dhisme laga tukaameysto oo lagu magacaabo RUISLIP.

5/22/2018 1:30 AM EST
Talaado, May, 22, 2018 (HOL)–Guddiga Difaaca Puntland ayaa soo saaray amarro la xiriira isu socodka gaadiidka iyo dadka, kaddib kulan gaar ah oo ay yeesheen.

5/22/2018 1:24 AM EST
Talaado, May, 22, 2018 (HOL)–Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Mike Pence ayaa hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un uga digay in uusan ciyaar la soo shir tagin haddii uu la kulmo madaxweyne Donald Trump bisha soo socota.

5/22/2018 1:18 AM EST
Talaado, May, 22, 2018 (HOL) – Soomaalida ku dhaqan gobolka Minnesota oo ka jawaabayay warbixin uu sii daayay Telefishinka FOX 9 oo uu ku weeraray Jaaliyadda iyo Hindise sharci oo ka mid ah xarumaha xanaanada caruurta iyo hanaanka xawilaadaha lacagaha ee Soomaalida ay leeyihiin ayaa waxa ay dibadbax ku qabteen aqalka sharci dejinta ee gobolka Minnesota.