Yariisoow ‘’ Roobabkii ka da’ay Muqdisho waxey geysteen khasaare hantiyeed oo gaaraya $ 35 miilyan
Isniin, May, 21, 2018 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir
ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan ( Yarisow) ayaa sheegay in roobabkii
mahiigaanka ahaa ee Caasimadda ka da’ay 48-dii saac ee la soo dhaafay ay ka
dhasheen khasaarooyin kala duwan oo gaaraya ugu yaraan $35 Million oo dollar.
Duqa Muqdisho ayaa xusay khasaaraha ka sakow in ay jirto dhibaatooyin
bini’aadanimo oo gurmad deg-deg ah u baahan, gaar ahaan cunno iyo agab
caafimaad, si xaaladda wax looga qabto, isagoo xusay in maamulkiisu uu la
tacaalayo xal-u-helidda dhibaatada roobabka ka dhashay iyo in goobihii ay
biyuhu fariisteen laga wado olole ballaaran oo dib loogu soo celinayo bilicda.
Guddoomiyaha ayaa ugu horreyn ka warbixiyey baaxadda khasaare ee naf iyo
maalba leh oo ka dhashay daadadka roobka, waxuna tilmaamay in tirakoobkii ugu
danbeeyey ee la sameeyey uu xaqiijinayo dhimashada 6 qofood oo seddex kamid ah
yihiin caruur da’doodu ka yar-tahay 12 sanno, burburka guryo gaaraya 301 iyo
burburka qaar kamid ah jidadka muhiimka ah ee Caasimadda, sida, Laamiga
shaqaalaha ee degmada Hodan, Laamiga Dabka iyo Bakaaraha isku xira, Laamiga
Cabdalla iyo Cawareero ee Warta-Nabadda, Laamiga Janaraal Daa’uud iyo Jidad
kale.
Eng. Yarisow ayaa ka digay in roobabka xooggan ay sii xumeynayaan xaaladaha
ka jira xerooyinka barakacayaasha oo ay ku nool yihiin barakacayaal xad-dhaaf
ah, isla markaana ay barakacinayaan dad kale oo badan oo ku nool deegaannada u
dhow biyo-dageenada iyo sidoo kale dad danyar ah oo ku noollaa guryo cooshado
ka sameysan.
Xerooyinka Barakacayaasha ee Caasimadda waxaa inta badan ka maqan xarumo
fayo-dhowr ah, sidaasi darteedna waxaa ay taasi sare u qaadeysaa halista ay ugu
jiraan cudurrada faafa.
“Waxaan ugu baaqayaa Hay’adaha gargaar iyo guud ahaan cid walba oo wax haysata
in cunno iyo agab caafimaad oo de-deg ah lala soo gaaro shacabka dhibaataysan,
sida ay saadaashu tilmaamayso waxaa la filayaa roobab dheeri ah oo xaaladda
kasii dari kara, sidaas daraadeed waa in loo diyaar garoobaa gurmadkuna noqdaa
mid yimaada waqtiga ku habboon”.Ayuu yiri Eng. Yarisow.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyey shacabka Muqdisho iyo
ciidamadda qaranka doorka muhiimka ah ee ay ka qaateen gurmadkii la sameeyey,
waxuna ka codsaday in ay sii xoojiyo gurmadka si dhibaatada looga saaro
shacabka Soomaaliyeed.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]