4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 21, 2018
Somaliland oo ka warbixisay khasaarihii ay sababtay Roobabkii Dabaylaha watay ee ka dhacday xeebaha Somaliland

 

Isniin, May, 21, 2018 (HOL)– Xukuumadda Somalilad ayaa ka hadashay kharaasha ka dhashay Roobabkii dabaylaha watay ee ka dhacay goboladda qaarkood, kuwaas oo u badnaa goboladda Awdal, Selel, iyo Saaxil.

Sida uu afhayeenka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac warbaahinta u sheegay waxa uu xusay in 25 qof dhimasho yihiin, 27 qofna la waayey, 12 qofna dhawac yihiin.

“Sida aynu la wa da socono waxa saddexdii maalmood ee u danbeeyey xeebaha Somaliland ka da’ayey roobab dabaylo wata oo isu bedelay duufaanno gaar ahaan gobolada Sanaag, Saaxil, Selel, Awdal iyo deegaamo ka mida waqooyiga Gabiley kuwaas oo ay gaadhsiiyeen khasaare laxaadleh oo isugu jira dhimashada iyo dhaawaca dadkii ku sugnaa deegaamadaasi, xoolihii oo ku leeday, dhismayaal tiro badan oo dumay, gaadiid isugu jira kuwa badda & berigaba iyo barakac balaadhan oo ka dhashay duufaantaas.”ayuu yidhi afhayeenku.

Waxa kale oo uu xusay khasaaraha uu sababay roobkaasi, waxaanu yiri “Khasaarahaas oo sababay dhimashada, 25 qof, iyo 27 ruux oo la la’a yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen, halka 12 ruux ay dhaawac yihiin, halka ay saameeysay (669,000) lix boqol sagaal iyo lix-dan kun oo qof una dhiganta 167,250 qoys oo ku sugnaa goobahaa duufaantu martay, waxa iyaguna baxay 80% xoolihii ku sugnaa deegaamadaas, iyadoo ay go’an yihiin isgaadhsiintii, iyo waddooyinkii gaadiidku isaga gudbi jireen ee goobaha masiibadu ku dhufatay, waxa iyaguna inta badan dumay goobihii caafimaadka ee MCH-yada iyo dugsiyadii waxbarashada ee ka qayb qaadan lahaa samata-bixinta dadka ay soo gaadhay duufaantu.”

Sidoo kale, waxa la sheegay in wefti uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Saylici oo ay ku wehelinayaan masuuliyiin sar sare oo ka mida dawlada Jabuuti ay kormeer dhinca hawada ah ku marayaan goobihii masiibooyinku ka dhaceen.

Dhinaca kale, Somaliland waxa qaybo ka mid ah ka maqan adeegii Internetka ah oo ay sababtay duufaanka ka dhacday Xeebaha, waxaana gabi ahaanba shaqaynayn labadda shirkadood ee Internetka ugu badan dadweynaha siin jirey ee SOMCABLE iyo SOMTEL, kuwaas oo Internetkoodu ku xidhnaa Jabuuti.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.