3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 21, 2018
Musuq maasuq ka dhax jira wafdi dowladdda Soomaaliya uga qeyb-gali doona shirka shaqada aduunka

 

Isniin, May, 21, 2018 (HOL)– Iyadoo lagu wado in 28ka bishan May magaalada Geneva ee dalka Switzerland uu ka furmo shirka Shaqada Aduunka oo ay soo qabanqaabisay hay’adda ILO, ayaa dhinaca kale  waxaa soo baxaya eedeymo la xiriira habka dowladda Soomaaliya ay u maamushay wafdiga uga qeybgali doona shirka dhinaca Soomaaliya.

Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dowlad gobolleedyada dalka oo xiriir la soo sameeyay Hiiraan Online ayaa sheegay in dowladda federaalku si aan habooneyn u maamushay wafdiga shirkaa uga qeybgali doona Soomaaliya.

Nuqul ka mid ah qoraalka wafdiga Soomaaliya ku matali doona shirka oo ay heshay Hiiraan Online ayaa muujinaya in marka laga soo tago wafdiga dowladda dhexe ee Soomaaliya Puntland oo kaliya ka qeybgali doonto shirka oo uu ku matali doono Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle iyo Agaasimihiisa Wasaaradda sida ku xusan Qoraalka oo uu ku saxiixan yahay Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha dowladda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac.

Shirka oo noqonaya kii 107aad ayaa marka guud ahaan la eego dowladdaha ka qeybgali doona waxaa uu qorshuhu yahay in ay ku matalaan Dowlad waliba Saddex qeybood oo kale ah wafdi ka socda Dowladda, Shaqaalaha iyo loo Shaqeeyayaasha oo qeyb-walba ay tahay in ay iyaga iska soo dhax xulaan wakiilada shirka ku matalaya.

Laakiin dhinaca dowladda Soomaaliya waxaa muuqaneysa in ay iyadu soo xushay wafdiga ka qeybgali doona shirweynaha oo u muuqada kuwa aan waafaqsaneyn nidaamka u degsan kulanka.

Qofka kaliya ee dumarka ah ee dhinaca Soomaaliya shirka uga qeybgali doona ayaa ah sida ku cad Qoraalka Faadumo Cabdullaahi Maxamed oo ah Danjiraha dowladda Soomaaliya ee Geneva.

Mas’uuliyiintan ka tirsan dowlad gobolleedyada ee Hiiraan Online la soo xiriiray ayaa sheegay in arintan lagu tilmaami karo musuq-maasuq weyn oo dowladda dhexe ay ku sameysay ka qebgalka shirka madaama aan la siin dowlad gobolleedyada iyo Ururrada kale ee kulankani quseeyo mudnaantii ay lahaayeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa marka ugu danbeysa wax cod ah ku yeelan doonin dooddaha iyo Ajandayaasha shirka, taasoo ka dhiggan in kulan-weynaha ka furmi doona Geneva muhiimad gaar ah u yeelan doonin Soomaaliya.














Click here
5/21/2018 3:36 PM EST
Isniin, May, 21, 2018 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan ( Yarisow) ayaa sheegay in roobabkii mahiigaanka ahaa ee Caasimadda ka da’ay 48-dii saac ee la soo dhaafay ay ka dhasheen khasaarooyin kala duwan oo gaaraya ugu yaraan $35 Million oo dollar.

5/21/2018 12:34 PM EST
Isniin, May, 21, 2018 (HOL)–Xukuumadda Somalilad ayaa ka hadashay kharaasha ka dhashay Roobabkii dabaylaha watay ee ka dhacay goboladda qaarkood, kuwaas oo u badnaa goboladda Awdal, Selel, iyo Saaxil.

5/21/2018 9:28 AM EST
Isniin, May, 21, 2018 (HOL)– Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey ayaa wada jir u dalbaday lacag dhan $ 80 million oo dollar si wax looga qabto xaalada bani’aadannimo ee ka dhalatay daadadka, roobabka iyo duufaannada wada socda ee ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

5/21/2018 8:17 AM EST
Isniin, May, 21, 2018 (HOL)–Dalka Paraguay ayaa maanta safaarad ka furtay magaalada Qudus, wuxuuna noqday dalkii saddexaad ee qaada tallaabadan siyaasadeed ee xasaasiga ah.

5/21/2018 5:18 AM EST
Isniin, May, 21, 2018 (HOL)– Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Wabiga Shabeelle bilaabay in uu karkaarada jabsado, isaga oo biyo badan dibeda u soo saaray kuwaa ka sare maray Buundada degmada.

5/21/2018 1:53 AM EST
Isniin, May, 21, 2018 (HOL)– Dowladda Shiinaha ayaa oggolaatay in badeecooyin dheeraad ah ay ka soo dhoofsato Mareykanka, tallaabadaasi oo xukuumadda Washington ay u aragto inay hoos u dhigeyso farqiga ganacsi ee kala dhaxeeya Shiinaha oo gaaraya sadex boqol sodon iyo shan bilyan oo doolar.

5/21/2018 12:46 AM EST
Isniin, May, 21, 2018 (HOL)–Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Shabeellaha Hoose, isaga oo magaaabay guddoomiye cusub.

5/21/2018 12:04 AM EST
Isniin, May,21,2018 (HOL)–Ra’iisaal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga, guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo taliyayaasha ciidamada ayaa kormeeray dadkii ay wax yeelladu ka soo gaartay roobabkii ugu danbeeyay ee ka da’ay magaalada Muqdisho.