3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 20, 2018
Maxkamada Racfaanka ee Hargeysa oo sadex sanno ku xukuntay Boqor Buurmadow

 

Axad, May, 20 ,2018 (HOL) – Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Maroodi jeex ayaa maanta Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ku xukuntay saddex sanno oo xadhig ah ka dib markii uu xukunkii hore ee shanta sanno uu racfaan ka qaatay.

Maalmihii u dambeeyey waxay dacwadiisu ka socotay maxkamada racfaanka ee gobolka Maroodi jeex ka dib markii uu maxkamadii hore uu racfaan ka qaatay, waxaana ugu dambayn maxkamadda Racfaanku ku xukuntay saddex sanno oo xadhig ah, wallow maxkamaddii hore xukunkeedu ahaa shan sanno oo xadhig ah.

Dhinaca kale, waxa ciidamada Booliska ee magaalada Burco ay xabsiga u taxaabeen Suldaan Maxamed Muuse Cunne oo ka mid ah madax dhaqameedka gobolka Togdheer oo mudooyinkii u dambeeyey eeddo usoo jeedinayey xukuumadda.

Xadhiga Suldaan Maxamed Cunne illaa hadda ciidanka amnigu kama hadal, islamarkaana lama sheegin sababta ka dambaysay xadhigiisa.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.













Click here
5/20/2018 2:06 PM EST
Axad, May, 20, 2018 (HOL)–Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibeda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalka soo yeerey dowladda Kenya oo sheegtay in ay Soomaaliya la leeyihiin wada xaajood la xiriira arinta Badda.

5/20/2018 12:18 PM EST
Axad, May, 20, 2018 (HOL)-Intala xaqiijinayo 6 ruux ayaa ku dhimtay tiro ka badan 300 oo gurina waxaa ka sameymay biyo fariisinno, kaddib roobab lixaad leh oo xalay ilaa maanta ka da’ayay magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku dhaw dhaw.

5/20/2018 10:03 AM EST
Axad, May, 20, 2018 (HOL)-Guddoomiyaha gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa sheegay in ay dhinteen 15 ruux kaddib roobab wata dabeylo xooggan oo saacadihii ugu danbeeyay ka da’ay qeybo ka mid ah gobolka.

5/20/2018 9:08 AM EST
Axad, May, 20, 2018 (HOL)–Danjiraha midowga Yurub ee Soomaaliya Cali Saciid Faqi oo la hadlay Hiiraan ayaa sheegay in dhalinyaro maxaabiis ah lagala baxay xabsi ay maamusho dowladda dalka Liibiya oo lagu magacaabo Gariyan Shan maalmood ka hor.

5/20/2018 7:39 AM EST
Axad, May, 20, 2018 (HOL)-Ardeyda wax ka barata dugsiyada dhexe ee Jubbaland ayaa maanta u fariistay imtixaanaadka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad, ayadoo imtixaanaadka ay sanadkan markii ugu horeeysay qaadeeyso wasaaradda waxbarashada Jubbaland.

5/20/2018 7:18 AM EST
Axad, May, 20, 2018 (HOL)–Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi ayaa deeq lacageed soo gaarsiiyay ilaa 450 Qoys oo ka mid ah dadkii ay dhawaan ku dhufteen daadadkii ka dhashay Roobabka iyo Wabiga oo is biirsaday.

5/20/2018 7:02 AM EST
Axad, May, 20, 2018 (HOL)–Magaalooyinka Xeebaha ee Berbera iyo Bullaxaar ayaa la sheegayaa inay biyo badan buux dhaafiyeen magaalooyinka dhexdooda, kuwasi oo galifay inay dadkii ka qaxaan guryahooddii.

5/20/2018 3:56 AM EST
Axad, May, 20, 2018 (HOL)-Roobab xoog leh oo bilaawday saqdii dhexe ee xalay ayaa wali ka da’aya magaalada Muqdisho iyo deegaannada ku dhaw dhaw waxaana lagu soo waramayaa khasaare kala duwan oo ay geysteen roobabkan.

5/20/2018 2:38 AM EST
Axad, May, 20, 2018 (HOL)–Labada cayaartooy ee kala ah Mesut Özil iyo Ilkay Gündogan ayaa la kulmay madaxweynaha dalka Jarmalka bal si ay sharxaad uga bixyaan kulan la sheegay in ay la yeesheen madaxweynaha dalka Turkiga Racep Tayib Erdogan.

5/20/2018 2:07 AM EST
Axad, May, 20, 2018 (HOL)–Wasaaradda Waxbarashada ayaa goor dhaw shaacisay in uu dib u dhacay maanta Imtixaankii shaadiga ee dugsiyada sare oo maalintii shalay la daah furay sababo la xiriira roobab ka da’aya magaalada Muqdisho.

5/20/2018 1:14 AM EST
Axad, May, 20, 2018 (HOL)–Boqortooyada Saudi Arabia ayaa aqbashay sii deeynta in ka badan 1000 Maxabiis ah oo u dhashay dalka Itoobiya Sabtidii shalay, kaddib booqasho labo cisho ah oo uu dalkaa ku tagay ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed.

5/20/2018 12:54 AM EST
Axad, May, 20, 2018 (HOL) –Roobabka iyo dableylaha is wata ee labadii cisho ee la dhaafay ku dhuftay deegaannada ku teedsan Gacanka Cadmeed gaar ahaan waqooyiga Soomaaliya ayaa sababay burburka guryo badan ,iyadoona ay ku dhinteen ku dhawaad 2,000 oo xoolo ah, sida ay Qaramada Midoobay sheegtay .