Cayaartooy Jarmal ah oo loo heysto kulan ay la qaateen Erdogan
Axad, May, 20, 2018 (HOL) – Labada cayaartooy ee kala ah Mesut
Özil iyo Ilkay Gündogan ayaa la kulmay madaxweynaha dalka Jarmalka bal si ay
sharxaad uga bixyaan kulan la sheegay in ay la yeesheen madaxweynaha dalka
Turkiga Racep Tayib Erdogan.
Labada cayaartooy oo asal ahaa ka soo jeeda dalka Turkiga
ayaa siweyn loogu eedeeyay kulanka ay la qaateen madaxweyne Erdogan gaar ahaan in ay taageero u muujiyeen
madaxweynaha Turkiga ka hor doorashooyinka la filayo in ay dalkaa ka dhacaan.
Jarmalka ayaa Erdogan ku eedeeyay sida uu ula dhaqmay mucaaradka kadib afgambigii
dhicisoobay ee dalkaasi ka dhacay.
Madaxweynaha Jarmalka Frank-Walter ayaa sheegay in ay muhiim ahayd in
ciyaartooydan ay kala caddeeyaan moowqifkooda, iyada oo Ozil uu sheegay in uu
Jarmalka barbar taaganyahay, halka Gurdogan uu sheegay in Jarmalka uu yahay
dalkiisa.
Labaduba waxaa ay ka tirsan yihiin xulka Qaranka, iyaga oo u diyaargaroobaya
tartanka koobka adduunka ee bisha dambe ka dhici doona dalka Ruushka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]