4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 19, 2018
Ra’iisal wasaare Kheyre oo daah furay Imtixaanka Shahaadiga ee dalka

 

Sabti, May, 19, 2018 (HOL) – Ra”iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa maanta daah furay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee dalka, oo ay maanta u fariisteen 27,600 oo arday.

Dugsi 15-ka May oo uu ka dhacayey imtixaanaadka oo si weyn loo adkeeyey amniga ayaa waxaa gaaray Ra’iisul wasaaraha dalka oo ay wehliyaan guddoomiyaha gobolka Benaadir iyo wasiirka waxbarashada Soomaaliya.

Ra’iisal wasaare Kheyre Kheyre oo ka hadlay daah furka Imtixaanaadkaasi ayaa sheegay in waxbarashadu ay tahay qeybta ugu muhiimsan ee horumarka daka, in wax la bartana ay astaan u tahay dib u dhiska dalka.

“Waxaan u mahad celinayaa Aabayaashii iyo Hooyooyinkii kasoo shaqeeyey in caruurtooda ay soo gaarsiiyaan halkaan, Inagana ka dowlad ahaan waxaan ku dadaali doonaa insha allah sidii arday walbo uu fursad u heli lahaa”ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

 

Ra”iisul wasaaraha dalka ayaa sidoo kale u mahad celiyey cid waliba oo howshaan kasoo shaqeysay, gaar ahaana wasaaradda waxbarashada dalka.

“Waa Iftiin Qaranimo Soomaaliyeed ay ka muuqato, Waa Horumar uu wadankeenu ku tilaabsanayo, waxeyna ahaan doontaa howlaha saldhiga u ah xukuumaddu iney ka shaqeyso”ayuu hadalkiisa sii raaciyey Ra”iisul wasaaraha Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]