3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 19, 2018
Muuse Biixi ‘’ Somaliland duulaan kuma ah shacabka reer Puntland iyo Garoowe

 

Sabti, May, 19, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Somaliland oo habeennimadii xalay khudbad ka jeediyay munaasabad lagu maamuusayay xuska 18ka May oo ka dhacday Hargeysa ayaa sheegay in marnaba aysan duullaan ku aheyn Puntland iyo magaalada Garoowe.

‘’Annaga waxa aan u socno waa in aan gaarno xudduudaheenna oo ay diidan tahay dowladda Soomaaliya, waxaan leenahay haddii aad diidan tihiin xadkii uu inoo dhigay isticmaarka, waa in aad arintaa kala hadashaan Qaramada Midoobey iyo Africa, ee ma’aha in aad duullaan soo qaadaan’’ayuu yiri madaxweyne Biixi.

Shacabka reer Puntland ayuu ku amaanay Muuse Biixi in ay yihiin dad nabadeen oo ay ogyihiin sida uu hadalka u dhigay in aysan raali ka aheyn dagaalka Tuka-Raq.

‘’Annaga shacabka reer Puntland duulaan kuma nihin, waa dad nabada jecel, waa dad wanaagsan, waa dad xariir ah, waxaan leeyahay uma socno in aan Garoowe gaarno, uma socno in aan dadkaa barakicinno, waa magaalo camiran, Alle ha u siyaadiyo nabada iyo ganacsigooda’’ ayuu yiri Muuse Biixi.

Hadalka madaxweynaha Somaliland ayaa imanaya xili dhawaan madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ku baaqay in uu sii socon doono dagaalka deegaanka Tuka-Raq isaga oo ku eedeeyay Somaliland in ay ku soo duushay dhulka Puntland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
5/19/2018 2:33 PM EST
Sabti, May, 19, 2018 (HOL)–Chelsea ayaa markii 8aad caawa mar kale xaqiiqsatay in ay ku guuleysatay Koobka FA Cup-ka, kaddib markii 1-0 ay ku garaacday xiddigaha Manchester United,

5/19/2018 8:27 AM EST
Sabti, May, 19, 2018 (HOL) – Kulankan oo ka dhacay xarunta wasaaradda amniga Jubbaland ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka qeybgalay saraakiil ka socotay howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxaana diiradda lagu saarayay sidii la isaga kaashan lahaa tayeynta ciidamada Booliska Jubbaland.

5/19/2018 7:50 AM EST
Sabti, May, 19, 2018 (HOL)–Ra”iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta daah furay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee dalka, oo ay maanta u fariisteen 27,600 oo arday.

5/19/2018 3:59 AM EST
Sabti, May, 19, 2018 (HOL) – Madaxtooyada Somaliland ayaa xalay casho sharafeed iyo afur ugu tallagashay in lagu xuso 18 May u samaysay qaybo ka mid ah madaxda Somaliland, waxaana lagu bedelay munaasibadihii madaxtooyadad lagu dhigi jirey ee heesaha iyo Rawaadayaha lagu qaban jirey.

5/19/2018 3:34 AM EST
Sabti, May, 19, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo la hadlay Hiiraan Online ayaa ka warbixiyay xaalada magaalada Beledweyne kaddib daadad xoog leh oo ku dhuftay iyo tallaabada ka maamul ahaa uga qorsheysan gurmadka loo fidinayo dadka ay dhibaatadu saameysay.

5/19/2018 2:16 AM EST
Sabti, May, 19, 2018 (HOL)–In ka badan 100 qof ayaa dhimatay ka dib markii diyaarad Boeing 737 ah ay ku burburtay meel u dhaw Garoonka Caalamiga ah ee Marti Havana ee dalka Cuba.

5/19/2018 1:09 AM EST
Sabti, May, 19, 2018 (HOL)–Wararka ka imaanaya dalka Afganistaan ayaa sheegayaa in qarax qasaare dhaliyay dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay magaalada Kabul ee xarunta dalkaasi.

5/19/2018 12:58 AM EST
Sabti, May, 19, 2018 (HOL)–Roobab dabeylo wata oo saacadihii ugu danbeeyay ka da’ayay deegaanno ka tirsan Puntland ayaa lagu waramayaa in ay sababeen in dadaad ku soo rogmadaan qeybo ka mid ah magaalada Qardho ee gobolka Karkaar..

5/19/2018 12:37 AM EST
Sabti, May, 19, 2018 (HOL)–Saakay oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in guud ahaanba dalka Soomaaliya ay u fariisitaan Imtixaanka Shahaadiga ardey tiradoodu dhan tahay 27 Kun oo magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka.