4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 18, 2018
Sideed ruux oo ku dhimatay toogasho ka dhacday gobolka Texas ee dalka Mareykanka

 

Jicmo, May, 18, 2018 (HOL) – Inta la xaqiijinayo ilaa Sideed ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen kaddib toogasho qof hubeysan uu Jimcihii maanta ka geystay dusgi sare oo ku yaalla gobolka Texas ee dalkaan Mareykanka.

Madaxweyne Trump ayaa qoraal kooban ku sheegay in hadda xaalada gobolka Texeas oo halka ay mashaqadu ka dhacday u muuqato mid wanaagsan.

Weerarka ayaa la sheegay in uu ka dhacay dugsiga sare ee Santa Fe ee magaalada Santa Fe oo ah magaalo qiyaastii 50-km dhinaca koonfur bari kaga beegan magaalada Houston.

Warbaahinta Mareykanka ayaa ku warrantay in dadka dhintay ay u badan yihiin arday wax ka baraneysay iskuulka ay toogashada ka dhacday.

Taliyaha ciidamada deegaanka Harris, Ed Gonzalez ayaa sheegay in hal ruux ay u xireen dhacdadani.

Mareykanka ayaa waxaa aad ugu soo badanaya weerarrada noocaan oo kale ah oo inta badan ay fuliyaan dad hubeysan oo si aan kala sooc laheyn toogashada u fuliya. 

Faah faahin intaa ka badan wali lama hayo..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]