3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 17, 2018
Lix qodob oo laga soo saaray shir wadatashi oo xalay ka dhacay madaxtooyada Somaliland

 

Khamiis, May, 17, 2018 (HOL) – Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa xalay iskugu yeedhay shir-weyne ka kooban xukuumadda, Saddexda Xisbi Qaran, Shir-guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka, madaxweyneyaashii soo maray Somaliland iyo siyaasiyiinta saamaynta ku dhex leh bulshadda.

Kulan ayaa lagu sheegay ujeedadiisu inay ahayd mid wadatashi oo laga arrinsanayey xaaladda dalka ka taagan iyo in talo-qaran oo midaysan laga yeesho dhammaan duruufaha dalka ku gadaaman.

Shirkan xalay ka dhacay madaxtooyadda oo mucaarad iyo maxaafadba iskugu yimaadeen waxaa laga soo saaray lix qodob oo kala ah:

1. In colaada deegaanka Ceel-afweyn loo soo afjaro sida ugu dhakhsaha badan, isla markaana Qaranka oo dhan ka gurmado arrintaa si wada jir ah.

2. In xannafta iyo kala fogaanshaha siyaasiga ah ee ka dhashay doorashadii madaxtinimo ee dalka ka qabsoontay la iska bogsiiyaan Xukuumadda iyo Axsaabta Qaranku.

3. In colaada iyo dagaaladda ay ka huriyeen deegaanka Tukaraq Maamulka Puntland iyo Dawladda Soomaaliya meel looga soo wada jeesto, oo si heer Qaran ah loo waajaho dawlad shicib iyo axsaab qaran ba.

4. In kor loo qaado xawliga dhaqan-gelinta mashaariicda horumarineed ee loogu talo galay deegaannada gobollada barriga.

5. In beesha Caalamku ogaato in gar-darro qaawan iyo dagaalba ay dawladda Soomaaliya ka bilowday, kana hurisay deegaanno hoos yimaada Tukaraq oo ka tirsan dhulka somaliland.

6. In beesha Caalamku ogaato in Somaliland ay mar kasta u taagan tahay nabad iyo daris wanaag ka hirgala guud ahaan gobolka Geeska Africa iyo gaar ahaan xuduudaha u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, balse lagu war-gelinayo in Somaliland iyo shicibkeeduba diyaar u yihiin in ay iska difaacaan gar-daro iyo dagaal kasta oo lagu soo faro-galiyo xuduudaha lama-taab-taanka ah ee Somaliland ka dhaxashay Isticmaarkii Boqortooyadda Ingiriiska, Axdi Qarameedka Midowga Afrikana waajibinayo.

Kulankan waxa ka soo qaybgalay:

1. Madaxweyne Ku-xigeenka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici)

2. Madaxweynihii hore ee JSL, mudane Daahir Rayaale Kaahin

3. Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed

4. Guddoomiyaha golaha guurtida, mudane Saleebaan Maxamuud Aadan

5. Guddoomiye Ku-xigeen kowaad ee golaha wakiilada, mudane Axmed/yaasiin Sh. Cali Ayaanle

6. Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee JSL, Mudane, Xasan Ciise Jaamac

7. Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax

8. Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee JSL, Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin

9. Prof. Cali Khaliif Galaydh

10. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe

11. Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Xisbiga KULMIYE, mudane, Axmed Cabdi Dheere

12. Guddoomiye Ku-xigeenka xisbiga Waddani, ahna ku simaha gudoomiyaha xisbiga Mudane Cabdiqaadir Xuseen Jirde

13. Guddoomiye Ku-xigeenka xisbiga waddani, mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed

14. Wasiirka Arrimaha Dibeda, Dr Sacad Cali Shire

15. Siyaasi Maxamed Carraale Duur

16. Mudane Maxamed Cabdillahi Uurcade

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.













Click here
5/17/2018 9:40 AM EST
Khamiis, May, 17, 2018 (HOL) –Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Dr. C/weli Max'ed Cali Gaas oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Garoowe kadib markii uu kasoo laabtay shirkii golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ee lagu soo gabagabeeyay Baydhabo ayaa ka hadlayo arimo kala duwan.

5/17/2018 8:58 AM EST
Khamiis, May, 17, 2018 (HOL) – Shirka Khamiislaha ah ee golaha Wasiirada xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir gudoomiyay Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre ayaa lagu ansixiyay sharciga Duulista iyo Hawada, iyada oogolaha la hor geeyay Hindise sharciyeedka denbiyada kufsiga iyo harciga Nakhshadeynta magaalooyinka, waxaana golaha warbixinno siiyay qaar kamid ah wasiirada ka qeyb galay kulanka maanta.

5/17/2018 6:47 AM EST
Khamiis, May, 17, 2018 (HOL)–Dowladda Kuuriyada Koofureed ayaa riixeysa sidii uu u qabsoomi lahaa kulanka la qorsheeyay in uu bisha soo socota dalka Singapore ku dhexmaro madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhigiisa Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un.

5/17/2018 4:46 AM EST
Khamiis, May, 17, 2018 (HOL) – Wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa ka warbixiyay tirada ardayda u fariisaneysa Imtixaanka Qaran ee Shahaadiga Dugsiga sare, isagoo xusay in Wasaaradda Waxbarashada ay diyaaar garoow xoogan ku jirto.

5/17/2018 4:14 AM EST
Khamiis, May, 17, 2018 (HOL)-Waxaa soo baxaya durbaba digniinno la xiriira duufaan lagu magacaabo ONE oo la sheegay in ay ku soo fool leedahay qeybo ka mid ah Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada gobollada Waqooyi Galbeed iyo Bari.

5/17/2018 4:01 AM EST
Khamiis, May, 17, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalka gobolka Sool gaar ahaan deegaanka Tuka-Raq ayaa sheegay in Puntland diyaar u tahay in ay difaacato dhulkeeda.

5/17/2018 3:20 AM EST
Khamiis, May, 17, 2018 (HOL)–Askari Maraykan ah ayaa badbaadiyay arday badan oo ku sugnayd iskuul ku yaalla gobolka Illinois ee dalka Maraykanka ka dib markii uu arday horay u dhigan jiray uu rasaas ku furay iskuulka, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

5/17/2018 1:24 AM EST
Khamiis, May, 17, 2018 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga,taliyaha ciidamada Booliiska iyo kan Asluubta Soomaaliyeed ayaa xalay kormeeray qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo deegaannada dulleedka ka xiga.

5/17/2018 12:39 AM EST
Khamiis, May, 17, 2018 (HOL)–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan bilashada bisha Barakaysan ee Ramadaan u diray Muslimiinta oo dhan, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

5/17/2018 12:35 AM EST
Khamiis, May, 17, 2018 (HOL)–Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha dowladda Soomaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaalle ayaa sheegay in qaraxyadii xalay laga maqlay magaalada ahaayeen kuwa macmal ah oo aan aheyn madaafiic run ah.