4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 23, 2018
Nin mudo 31 sano ah u xirnaa danbi uusan galin

 

Jimco,Maarso, 23, 2018 (HOL)-Waa sheeko la yaab leh kaddib markii la ogaadey in Lawrence McKinney 61 sano jir ah muddo ku dhan 31 sano uu u xirnaa danbi uusan galin,isaga oo helay magdhaw lacageed oo gaaraya $1million oo dollar.

Mr. McKinney ayaa la xiray sanaddii 1978 ka dib markii lagu eedeeyay kufsi iyo burcadnimo, balse waxa xabsiga laga sii daayay 2009 ka dib markii la ogaaday bishii December in uusan wax dambi ah galin.

Waa lacagtii ugu badnayd ee ay dowladda gobolka Tennessee ebad u bixiso magdhow ahaan inta la ogyahay

Bishii October 1977, Mr McKinney ayaa lagu xiray Memphis kaddib markii ay haweeney sheegtay inuu ka mid ahaa laba nin oo ku kufsaday gurigii ay daganayd.

Waxa lagu soo oogay dacwad ah kufsi iyo burcadnimo, ka dib markii dambigii lagu soo oogay lagu helay ayaa bishii June 1978 waxaa lagu xukumay xabsi daa’in.

 

Markii la xirayay Mr. McKinney waxaa uu jiray 22 sano, iyadoo 30 sano ka dib bishii August 2008 a la qaaday dhiiga DNA oo lagu ogaaday saddex qof oo uusan midkoodna aheyn Mr McKinney.

Mr McKinney ayaa sheegay inuu xabsiga ku jiray 31 sano, 9 bilood, 18 maalmood, iyo 12 saacadood, Mr. McKinney lama siin doono dhammaan lacagta magdhawga ah.

Waxaa imika la siin doonaa $353,000 oo uu ku bixinayo qarashkii qareenkii u doodayay iyo deymaha.

Qaybta kale ee lacagta ayaa waxaa bil waliba la siin doonaa $3,350 Muddo 10 sano ah, iyadoo lacagtan la siin doono xaaskiisa haddii dhinto muddadaas.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]