3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 23, 2018
Ra’iisal wasaare Kheyre oo ka hadlay Qaraxii dadka badan ku dhinteen ee shalay ka dhacay Muqdisho

 

Jimco, Maarso, 23, 2018 (HOL) – Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ka hadlay Qaraxii dadka badan ay ku dhinteen ee shalay ka dhacay Hotelka Weheliye ee magaalada Muqdisho ayaa laamaha Amniga faray in faah faahin dheeraad ah ka bixiyaan Qaraxa .

Ra’iisal wasaaraha ayaa tacsi u diray u ehelada dadkii ku dhintay isaga oo dhinaca kalana caafimaad u rajeeyay dadka ay dhaawacyada kala duwan ka soo gaareen weerarka oo uu sida uu hadalka u dhigey ahaa mid bahalnimo oo ay ka danbeeyeen dad Cadow ah.

Qaraxan ayaa noqonaya kii ugu cuslaa oo waayadii ugu danbeeyay ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana lagu soo beegay xili uu mashquul badan ka jiray goobta la bartilmaameedsaday oo dad badan oo shacab ah ku shaahayeen.

Laamaha Amniga dowladda Soomaaliya oo war ka soo saaray khasaaraha ka dhashay Qaraxa ayaa sheegay in ay ku dhinteen 17 ruux oo rayid u badnaa, sidoo kalana waxaa ku dhaawacmay tiro inta ka sii badan oo qarkood ay soo gaareen dhaawacyo culus.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/23/2018 8:46 AM EST
Jimco,Maarso, 23, 2018 (HOL)-Waa sheeko la yaab leh kaddib markii la ogaadey in Lawrence McKinney 61 sano jir ah muddo ku dhan 31 sano uu u xirnaa danbi uusan galin,isaga oo helay magdhaw lacageed oo gaaraya $1million oo dollar.

3/23/2018 8:32 AM EST
Jimco, Maarso, 23, 2018 (HOL) - Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegtay inay aad ugu kalsoonyihiin ka Guddi ahaan shaqada ay qabteen, iyadoo tilmaantay in wixii hadda ka horreeyay aysan jirin wax dhaqaajiyo ama sameeyo daba gal, balse haatan ay dhisan yihiin Tiirarkii loo baahnaa maaddaama howshan ay iyaga u taallo.

3/23/2018 8:21 AM EST
Jimco, Maarso, 23, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa beddalay la taliyihiisii dhanka ammaanka qaranka oo noqonaya kii ugu danbeeyey saraakiil sar sare oo ka mid ha maamulkiisa oo shaqada ka tegay muddada 14kii bil ee uu xilka hayo ah.

3/23/2018 8:14 AM EST
Jimco, Maarso, 23, 2018 (HOL)-Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay mooshinka ka yaalla Guddoomiye Jawaari aanay marna jahwareer ku keenin sugida amniga.

3/23/2018 3:30 AM EST
Jimco, Maarso, 23, 2018 (HOL)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha debada iyo Iskaashiga caalamiga ah Axmed Ciise Cawad oo la hadlay Hiiraan Online ayaa sheegey in muhiimad gaar uu u lahaa Soomaaliya shir madaxda Qaarada ugu soo dhamaaday magaalada Kigali ee dalka Rwanda.

3/23/2018 2:32 AM EST
Jimco, Maarso, 23, 2018 (HOL)–Wasaaradda arrimaha dibadda ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si adag u cambaareysay Qaraxii maalintii shalay ka dhacay Hotelka Wehliye ee magaalada Muqdisho.

3/23/2018 2:12 AM EST
Jimco, Maarso, 23, 2018 (HOL)–Mareykanka ayaa u muuqda in uu gunta u galay dagaal ganacsi oo kala dhaxeeya waddanka labaad ee ugu dhaqaalaha badan caalamka ee Shiinaha.