4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 22, 2018
Hogaamiyayaal ka tirsanaa Al-shabaab oo isku dhiibey dowladda

 

Khamiis, Maarso, 22, 2018 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in hogaamiyayaal ka tirsanaa Ururka Al-shabaab isku dhiibeen ciidamada dowladda ee ka dagaaalama gobolka.

Horjoogayaashan oo ka soo goostay xogagga Al-shabaab ee gobollada Baay iyo in ay iskaga baxeen Al-shabab islamarkaana hadda wixii ka dambeeya ay ku biireen dowladda Soomaali lana dagaalami doonaan Al-shabaab.

Xubnaha ka soo baxay Al-shabaab ee dowlada isku soo dhiibay ayaa waxaa ka mid ah Macalin Geedow Aadan Abuukar oo ah hogaamiye Al-shabaab u qaabilsanay gobolka Baay, sidoo kale waxaa uu ahaa taliyaha dagaalamayasha Al-shabaab ee gobolkaasi sida sheegtay.

Macalin Geedow Aadan oo la hadlay warbaahint ayaa sheegay in uu la socdo Cabdiraxmaan Fiiloow oo ahaa hogamiyaha Al-shabaab ee gobolka Gedo sababtana ay uga soo baxeenna tahay in Al-shabaab badaleen fikirkii markii hore lagu dagaalamayay.

Dhowr jeer oo hore ayaa sidan oo kale waxaa isku soo dhiibay hogaamiyaal sare oo ka tirsan Al-shabaab kuwaa oo ku eedeyay Al-shbaaab in ay hareer mareen fikirki la aaminsanaa in lagu dagaalamo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]