Shirka Wasiirada Bariga Afrika ee IGAD oo ka furmaya Nairobi
Khamiis, Maarso, 22, 2018 (HOL) - Shirka Wasiirada Bariga Afrika dalalka
Urur Goboledka IGAD ayaa maanta oo Khamiis ah waxaa lagu wadaa inuu ka furmo
Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
Shirka ayaa looga hadli doonaan xaaladda Hal Milyan oo Qaxooti ah oo ku nool
geeska Africa, dib u eegsita qorshaha horumarinta Barakacayaasha, iyo arrimo
kale.
“Kulanka Wasiirada Bariga Afrika ee IGAD ayaa ka furmaya Magaalada Nairobi
ee dalka Kenya, Khamiista 22-ka bishan, waxaa looga hadlayaa xaalada Hal Milyan
oo Qaxooti ah oo ku nool geeska Afrika, gaar ahaan Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku
jira Xeryaha Kenya, qorshe cad ayaa loo dejin doonaa Qaxootiga” ayaa lagu yiri
War qoraal ah oo ka soo baxay IGAD.
IGAD ayaa sheegtay in Wasiirrada la filayo in ay soo saaraan ficilo muhiim
ah oo ku saabsan hirgelinta bayaanka qorshaha Qaxootiga Nairobi iyo Qorshaha
Horumarinta oo la sameeyey Hal sano ka hor, iyo sidoo kale heshiisyo farsamo
iyo maaliyadeed oo ka imanaya dalalka IGAD.
Kenya ayaa iminka martigelineysa Hal Milyan iyo Laba Boqol oo Kun oo Qaxooti
ah, waxaana ay fileysaa in ay uruuriso lacag dhan Laba Bilyan oo Dollar, taasi
oo lagu caawinayo Qaxootiga labada sanadood ee soo socota.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]