3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 21, 2018
Wasiirka Maaliyada Hirshabeelle oo faah faahin ka bixiyay habka maamulka Maaliyadda

 

Arbaco, Maarso, 21, 2018 (HOL) - Wasiirka Maaliyadada Dowlada Goboleedka Hirshabelle Maxamed Maxamuud Cabdulle (Max’ed Dheere) oo wareysi gaar ah siiyay Hiiraan Online ayaa ka war bixiyay arrimo badan oo Dhinaca Maaliyad ah ee Maamulka Hirshabelle.

 Halkaan ka dhageyso wareysia HOL at la yeelatay Wasiirka Maaliyadda ee Hir-Shabelle

Wasiirka oo nagu soo booqday Xafiiska Hiiraan Online ee Magaalada Muqdisho ayaan ugu horeyn waxaan waydiinay in uu faahfaahin ka bixiyo arrimaha maaliyada Hirshabeelle tan iyo kolkii loo soo magacaabay Wasaarada waxa uga qabsoomay.

Wasiirka ayaa marka hore u mahad-celiyaya Hiiraan Online wuxuuna sheegay in uu ku farax-sanyahay wareysiga isaga oo yiri “haddii aan ka warbixiyo Hirshabeelle Waad ogtihiin hada Labo sano ayuu jirsaday Maamulka marka laga soo bilaabay sanadkii 2016ka oo doorashadii ugu horeysay la qabtay kaddibna qalalaaso siyaasaded ayaanu galnay, mar kale ayaa waxaa dhacay doorasho 2017kii  waxaana noqday wasiirkii ugu horeeyay ee maaliyada uu yeesho Maamulka Hirshabelle''

Qalalaasaha iyo Dowladii hore oo Meesha ka baxday ka dib waxaa yimid dowladan hada jirto ee Hirshabelle waxaa mar kale lay magacaabay wasaarada maaliyada waxuuna intaasi ku daray in magacaabistiisa ka dib uu ku laabtay magaalada Beledweyne oo xaalado adag oo maaliyadeed ay ka jireen xiligaas oo sidoo kalana ay jirtay dhibaatadii shillinka Soomaaliga oo laga diiday Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Xaalado badan oo isbadal ah oo uu sameeyay ka dib iyo xeer dhinaca dhaqaalaha ah uu soo saaray waxaa uu wasiirku sheegay in uu dib u howl galiyay Wasaarada Maaliyada Maamulka Hirshabelle islamarkaana Account mideysan oo labada Gobol ah in uu sameeyo 13/12/2017 taasoo soo dadajisay in beesha caalamku ay aaminaa Maamulka Hirshabelle iyo in lacagihii wasaarada Arrimaha Gudaha ee Dowlada Federalka ka imaanayay ay soo maraan dariiqaasi.

Nidaamkaas ayuu sheegay Mudane Max’ed Dheere in uu sahlay in Maamulka Hirshabelle uu ka dabo yimaado Maamuladii ka horeeyay oo mudada dhisanaa waxuu kaloo sheegay in mudo 2 bilood ah ay ku soo gabogabeeyeen 3dii hindiso sharciyadeed ee caalamiga ahaa ee laga rabay in ay Baarlamaanka ka gudbiyaan iyo in miisaaniyadii ugu horeysay ay yeelato Maamulka Hirshabelle.

Kaddib markii ay buuxiyeen Sharuudihii laga rabay ayuu sheegay in loo soo fasaxay dhamaan Mashruucyadii sida dhismaha Aqalka Barlamaanka, Madaxtooyada dhismaha Wasaaradaha qaar iyo mashruucyo kale oo hadaba ka socda Beledweyne.

Wasiirka ayaa waxaan waydiinay qaabka ay ugu suurta-gashay in uu fadhiisiyo miisaaniyada Gobolka Hiiraan qeyb ka mid ah,Waxaa uu sheegay in iyadoo aan dhiig ku daadan ay arintaasi ku guuleysteen uuna ugu mahadceliyay Maamulka Gobolka Hiiraan.

Sababta loo mideyn waayay Miisaaniyada 2da Gobol iyo dhaliilaha ka jiro arrintaasi ayuu ka jawaabay Wasiirka maaliyada Hirshabelle waxuuna sheegay in magaalada Beledweyne ay tahay caasimada Ganacsiga Hirshabelle caqabado badan oo labada gobol ka jirayna ay noqotay in ay si deg deg ah u bilaabay in sharuuc loo diyaariyo cobolka si miisaaniyadiisa loo fadhiisyo midka gobolka shabellada dhexana ay hada ugu jirto ajandaha in ay la soo wareegto maaliyadiisa Wasaarada.

Mar la weydiiyay in lacagta si toos ah ugu soo dhacdo a Account-ka madaxweyne ku-xigeenka ayuu yiri’’ Lacagta marka la saxiixayo si walboo ay noqotaba waxaa xaq ah ama sharci ah in ay saxiixaan Agaasimaha guud iyo Khasnajiga marka Account-kan waxuu ahaa mid deg deg loo sameeyay oo loo baahnaa labadasina ma uusan lahayn Maamulka Hirshabelle xiligii la furayay Account-kan marka sidaasi ayayna Madaxweyne ku xigeenka uu ugu qoranyahay Account-ka madaxweyne kuxigeenkana waa madaxdii aniga i kontarooleysay xili walbana isagu waxaa uu sheegay in uu ka war-haayo oo warbixinada lala wadaago balse waxii todobaadkan ka dambeeyo waxaa uu sheegay in ay ka wareegi doonto isaga iyo madaxweyne ku xigeenka oo hada saxiixo lacagaha islamarkaana Agaasimaha iyo Khasnajiga ay ku wareegi doonto wixii saxiix ah.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia













Click here
3/21/2018 4:03 PM EST
Arbaco, Maarso, 21, 2018 (HOL) – Taliyaha Militariga Soomaaliya Sareeye Gaas Cabdiwali Jaamac Xusseen Gora doo ka hadlay iska horimaad maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ay jiraan ciidamo lagu magacaabo ku Imaaraadka oo ka howlgala magaalada Muqdisho.

3/21/2018 11:48 AM EST
Arbaco, Maarso, 21, 2018 (HOL)-Baarlamaanka reer Yurub ayaa shalay waxaa ay dhageysteen warbixin iyo marag fur ku aadan xadgudubyada ka dhan ah xuquuqul insaanka ee ka dhaca Soomaaliya, gaar ahaan kuwa loo geysto suxufiyiinta Soomaaliyeed, xoriyatul qowlka, iyo xoriyada in muwaadiniinta sameystan ururo madax-banaan isla markaana ay u shiri karaan si xor ah oo aan laga hor istaagin.

3/21/2018 9:22 AM EST
Arbaco, Maarso, 21, 2018 (HOL)–Shirgudoonka golaha Wakiiladda Somaliland ayaa golahoodda ugu yeedhay wasiirka warfaafinta ee laga cabanayo buugga uu qoray iyo dadka muduciga ku ah ee buugaasi ka soo horjeedda.

3/21/2018 8:06 AM EST
Arbaco, Maarso, 21, 2018 (HOL)–Guddigii loo saaray xalinta khilaafka Golaha Shacabka ayaa maanta soo saaray go’aano dhowr qodob ka kooban, kaddib markii ay la kulmeen dhinacyada uu khilaafka u dhaxeeyo iyo Madaxda dowladda sida madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha.

3/21/2018 7:51 AM EST
Arbaco, Maarso, 21, 2018 (HOL)-Suuqyadda magaaladda Hargeysa waxa ka jira jahawareer uu sababay lacagtii Mobiladda ee loo bedelay Shiling Somaliland ka dib markii dadkii ganacsatadda diideen in wax lacag ah dadka kaga iibiiyaan lacagta Mobile-ka.

3/21/2018 6:22 AM EST
Arbaco, Maarso, 21, 2018 (HOL)-Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa lagu waramayaa in ay duqeyn ka geysteen gobolka Shabeellaha hoose waxaa lagu waramayaa in ay ku dileen labo xubnood oo ka tirsanaa Ururka Al-shabaab.

3/21/2018 5:21 AM EST
Arbaco, Maarso, 21, 2018 (HOL)-Gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa u yeeray xildhibaannada Soomaaliya ee ku maqan dalka dibediisa, iyadoo dhawaan la filayo in loo codeeyo mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha Baarlamaanka.

3/21/2018 3:36 AM EST
Arbaco, Maarso, 21, 2018 (HOL)– Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska horimaadka ka dhacay Agagaarka Tarbuunka degmada Hodan ee gobolka Banaadir oo u dhaxeeya ciidamo ka kala tirsan nabad-sugida iyo ciidamada uu tababaro Imaaraadka.

3/21/2018 3:07 AM EST
Arbaco, Maarso, 21, 2018 (HOL)– Rasaas culus oo u muqata in leys weydaarsanayo ayaa waqtiga laga maqlayaa Agagaarka Tarbuunka degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

3/21/2018 2:11 AM EST
Arbaco, Maarso, 21, 2018 (HOL)–Xubnaha guddiga joogtada ah ee Aqalka sare ayaa maanta lagu wadaa in ay warbixin ka dhageystaan guddi dhawaan loo saaray xalinta khilaafka ka dhax oogan baarlamaanka Soomaaliya.

3/21/2018 1:37 AM EST
Arbaco, Maarso, 21, 2018 (HOL)– Wafdi ka socda hay’adda socdaalka u qaabilsan Qaramada Midoobey ee IOM ayaa booqday xarumaha lagu dhaqan celiyo xubnaha ka soo goosta Al-shabaab.

3/21/2018 1:25 AM EST
Arbaco, Maarso,21,2018(HOL)–Guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyada gobolka Shabeellaha hoose Cabdifitaax Cabdulle ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidamada lagu soo qabtay labo saraakiil oo ka tirsanaa Al-shabaab.

3/21/2018 1:05 AM EST
Arbaco, Maarso, 21, 2018 (HOL) –Sarkaal Maxamed Nuur oo ka tirsanaa Booliiska magaalada Minneapolis ayaa Talaadadii shalay loo xirey in uu ula kac dilay Justine Damond oo aheyd Haweeney u dhalatay dalka Australia, nin ay saaxiibo ahaayeena kula nooleyd Magaalada Minneapolis.