4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 21, 2018
Baarlamaanka Reer Yurub oo bilaabay in uu ka hadlo xadgudubyada iyo dhibaateynta lagu hayo suxufiyiinta Soomaaliyeed


Arbaco, Maarso, 21, 2018 (HOL) - Baarlamaanka reer Yurub ayaa shalay waxaa ay dhageysteen warbixin iyo marag fur ku aadan xadgudubyada ka dhan ah xuquuqul insaanka ee ka dhaca Soomaaliya, gaar ahaan kuwa loo geysto suxufiyiinta Soomaaliyeed, xoriyatul qowlka, iyo xoriyada in muwaadiniinta sameystan ururo madax-banaan isla markaana ay u shiri karaan si xor ah oo aan laga hor istaagin.

Guddiga u qaabilsan arrimaha dibadda baarlamaanka reer Yurub oo sidoo kale eega arrimaha xuquuqul insaanka ayaa casumaad u fidiyay Xoghayaha Guud ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan iyo madax kale oo ka socoto ururka suxufiyiinta adduunka ee IFJ iyo ururka caalamiga ah ee ururada shaqaalaha ee ITUC.

Mudanayaasha baarlamaanka reer Yurub oo ay u hadashay xildhibaan Alex Mayer ayaa aad uga careysan xadgudbyada aan joogsiga laheyn iyo isla xisaabtan la’aanta ee ku dhacaya suxufiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan xubnahana iyo hogaanka sare ee ururka NUSOJ.

"Soomaaliya waa meesha ugu khatarta badan ee Afrika oo ay ururada shaqaalaha ka shaqo galaan. Dhagaysiga maanta waxaan maqalnay weerarrada ku saabsan ururada shaqaalaha Soomaaliyeed iyo dadka u ol-oleeya, cabsigelinta loo adeegsanayo nidaam dowli ah iyo isku-dayyada nolosha hoggaamiyeyaashooda. Waxaan u diraynaa hiilo iyo taageero. Maadaama aan nahay xildhibaanno waa in aynu hubinaa in cadaadis lagu saaray xukuumadda Soomaaliya in ay u hoggaansanto waajibaadkeeda ka saran go’aanada kasoo baxay ILO iyo in dadaal dheeri ah la sii wado oo ku saabsan in taageerada Midowga Yurub ee bulshada rayidka ah la siiyo ururada madaxbanaan ee aan la taageerin kuwa been abuurka ah” ayay tiri Alex Mayer.

Cumar Faaruuq Cusmaan, Xoghyaha Guud ee NUSOJ ayaa sawir waafi ah ka bixiyay dhibaatooyinka haysta suxufiyiinta sida dilka, xariga sharci darada ah, xeritaanka xarumaha warbaahinta, cagajugleynta iyo handadaada aan kala joogsiga laheyn.

“In kastoo weerarada khatarka leh ee loo dhinto ay ku bilowdeen suxufiyiinta ka hor inta aan dowlada federaalka la dhisin, balse suxufiyiinta waxaa lagu soo qaaday weerar cusub oo hay’adaha dowlada qaarkood ay ku doonayaan in ay ku milkiyaan kulana wareegaan codka kaliya ee matala, difaaca, una dooda suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ah Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Si ay hadafkaan u gaaraan waxay la dagaalamayaan madax-banaanida ururka, waxay soo qaadeen ol-ole ay ku doonayaan in ay ururka ugu dhigaan mid sharci daro ah, waxay hor istaag ku sameynayaan in ururka si xor ah u shaqeeyo, waxayna intaas oo dhami u beegsanayaan ururka u istaagida uu u istaagay difaacitaanka suxufiyiinta xubnaha ka ah” ayuu Cumar Faaruuq ku yiri xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka Yurub.

Warbixinta Cumar Faaruuq waxaa sidoo kale lagu sheegay in xadgudubyada loo geysanayo suxufiyiinta iyo ururkooda ay soo maleegeen masuuliyiin ay ku jiraan wasiiro. “Waxaan shaki ku jirin in NUSOJ ay noqotay gaashaanka ay suxufiyiintu isku difaacaan iyo dadka kale ee ka shaqeeya saxaafada. “Madaxda sare ee dalka waxba kama oga xadgudubyada ay geysanayaan wasiirada iyo kuwa ka hooseeya, waxa aan u baahan nahay waa in madaxda sare wax ka qabato gabood falada ay geysanayaan kuwa hadda ku jira ee xilalka ka haya maamulkooda”.

Cumar Faaruuq waxaa uu sheegay in ay talaabo wanaagsan oo ay Xukuumada qaaday tahay in si lagu kalsoonaan karo lasoo dhameystiray guddiga qaran ee xuquuqul insaanka ee madaxa-banaan si xal loogu helo xadgudubyada aan xisaabta laheyn ee ka dhaca dalka.

Jeremy Dear, Ku-Xigeenka Xoghayaha Guud ee ururka suxufiyiinta adduunka ee IFJ, ayaa muujiyay walaac ku aadan in dowladda ku mashquulsan tahay xiritaanka, cabsigelinta iyo xayiraadaha dhaqdhaqaaqa hogaamiyaasha NUSOJ.

"Soomaaliya waa waddanka ugu khatarta badan saxafiyiinta ku nool dalalka Afrika ee saxaraha ka hoose. In ka badan 70 suxufi ayaa lagu dilay Soomaaliya 7 sano guddahooda. Inta badan kuwan waa dilal bartilmaameedsan. Ciqaab la’aanta dambiyan waa mid gaartay heer aan la maleyn karin. Hase yeeshee, halkii ay beegsan lahayd dilayaasha, dadka dowlada ku jira waxay bartilmaameed sadeen kuwa u hadlaya suxufiyiinta iyo xuquuqda aadanaha. Cabsigelinta iyo aargoosiga ka dhanka ah NUSOJ iyo hoggaankoodu waa in la joojiyaa" ayuu yiri Jeremy Dear.

Wakiilka ururka ITUC ee dhageysigan ka hadlay, Paapa Danquah, ayaa tibaaxay in ururka midowga reer yurub looga baahan yahay in ay xooga saaraan sidii Soomaaliya ay u gudan laheyn waajibaadkeeda ka saaran fulinta shuruucda caalamiga ah gaar ahaan g’aanada kasoo baxay Ururka Shaqaalaha Adduunka ee ILO iyo dhowrista xuquuqul insaanka.

Waxaa uu Paapa Danquah timaamay in loo baahan yahay in la muujiyo isku xirnaanta, daahfurnaan iyo isla xisaabtan ku aadan deeqaha ay midowga reer yurub bixiyaan oo ay tahay in ay ku saleysan yihiin dhowrista iyo ixtiraamka xuquuqul insaanka sida cahdiyada ILO.

Baarlamaanka Reer Yurub ayaa durbo bilaabay in uu tilaabo ka qaado xadgudubyada xuquuqul insaanka ee ka dhaca Soomaaliya taasoo ah markii ugu horeysay ee uu baarlamaanka Yurub usoo jeesto. Go’aanada dhawaan kasoo baxayo ayaa saameyn doono doorka midowga Yurub uu ku yeelan doono Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]