4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 21, 2018
Shir gudoonka Wakiiladda Somaliland oo kulan la qaatay dhinacyaddii isku haystay Buuga Muranka dhaliyey

 

Arbaco, Maarso, 21, 2018 (HOL) – Shirgudoonka golaha Wakiiladda Somaliland ayaa golahoodda ugu yeedhay wasiirka warfaafinta ee laga cabanayo buugga uu qoray iyo dadka muduciga ku ah ee buugaasi ka soo horjeedda.

Shirkan oo ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen oo aan loo ogolayn in warbaahintu goob joog ka noqoto, waxa iskugu yimid shirgudoonka, qoraaga Buugan Sooyaal ee muranka dhaliyey oo ah wasiirka warfaafinta iyo dhinacii kale ee ka cabanayey buugan oo uu hor kacayo Maxamed Bedel oo ah ninka naqdiyey buugan.

Shirkadna saddex geesoodka ahi marka uu dhamaaday kamay hadal qoraaga Buuga Guri Baraaqo iyo shirgudoonkii u yeedhay toonna, haseyeeshee waxa warbaahinta la hadlay Macalin Maxamed Bedel oo ah ninka buugan naqdiyey oo sheegay in Abwaanka gabaygan lagu sheegay aanu gabaygaasi samayn balse laga been abuurtay.

“waxaanu la kulanay shirgudoonka golaha Wakiiladda waxaana kala hadalnay Gabaygiii ceebta iyo fadeexada xambaarsanaa ee bir ma gaydada haweenka Soomaaliyeed wax lagaga sheegay, waxaana u sheegnay shirgudoonka in gabaygani yahay mid been abuur ah oo ninka gabaygan lagu sheegay la bedelay gabaygiisii”ayuu yidhi Macalin Maxamed Bedel oo ah ninka muduciga ku ah wasiirka buugan qoray toddobo sanno ka hor.

Muranka ka dhashay buugan ayaa wali xaraaradiisu taagan tahay, waxaana wali ka hadlaya haweenka oo sheegay in gabayga buugaasi ku qoran yahay mid dumarka wax lagaga sheegay taas oo ay codsanayaan in buuga inta dib loo soo ururiyo bulshadda hortooda lagu gubo.

Si aan dadka aan la socon waxa uu ka dhashay muranka Buugaan Sooyaal u iftiimiyo, murankan waxa uu ka dhashay ka dib markii uu soo bandhigay nin magaciisa la yidhaahdo Maxamed bedel oo aqoon badan u leh dhaqanka iyo Af soomaaliga ayaa sheegay In buugan uu qoray Qoraa C/raxmaan Guri Barwaaqo oo toddobo sanno ka hor la qoray ay ku jirto tuduc uu wax kaga sheegayo haween ka mid ah haweenka beelaha dega Hargeysa, taasina waxay keentay in haweenkii la sheegay in wax laga sheegay ay warbaahinta ka hadlaan, kuwaas oo dhaliilo badan usoo jeediyey wasiirka.

Gabaygan ku qoran Buugan Sooyaal ee dumarka lagu aflagaadayanayey ayaa la sheegay inuu tiriyey Abwaan Dalaayad, haseyeeshee uu ku wanjalay abwaan Guuleed Doolla yare, ka dibna uu Guuleed Dhoola yare iska fogeeyey inuu gabaygaasi leeyahay, markii cidii tirisay gabaygaasi la isku qabqabsaday waxa madal ay iskugu yimaadeen abwaano Soomaaliyeed uu abwaankii lagu wanjalay ee Guuleed DHoolayare ku dhaartay in aanu tirin, haseyeeshee waxa isagu goobtaasi ka cadeeyey inuu tiriyey Abwaan Dalaayad oo sheegay inuu ula jeeday kaftan iyo inuu ku xumeeyo Abwaan Dhoola yare oo dumarka la aflagaadeeyey afar xaas ka qabay, isla markaana waxa uu dhalan rogay gabay uu Abwaan Dhoola yare ku amaanayey dumarka uu qabay reerka ay ka soo jeedaan oo uu ka dhigay gabay cay ah, waxaana halkii lagu xukumay Abwaan Dallaayad in aanu dib dambe wax gabay ah u tirin, iyadoo Abwaan Dhoola yare iyo Abwaan Dalaayadba ay labaduba xaal lacageed ka bixiyeen gabaygaasi la isku qabqasaday ee dumarka lagu aflagaadayanyey oo Gabaygiina loo bixiyey gabaygii xaalka, sida uu sheegay Ibaaraahm Xaaji Yuusuf Xaaji Guuleed oo uu awoow u ahaa Abwaan Dhoola yare, waxaanay ahayd wakhtigaasi wakhti hore oo lagu qiyaasay lixdamaadkii.

Qoraaga Buugan muranka dhaliyey Guri Barwaaqo ayaa isna sheegay in gabaygan aanu cid ula jeedin balse uu tusaale usoo qaatay abwaano wax ka sheegay dumar oo laga joojiyey in gabayga dambe ay sameeyaan balse dad kale oo uu sheegay inay danno kale ka wateen ay si khaldan dadka ugu tafsiireen, taasina ay keentay muranka.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland