4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 21, 2018
Guddiga joogtada ee Aqalka sare oo war ka soo saaray khilaafka Golaha Shacabka

 

Arbaco, Maarso, 21, 2018 (HOL) – Guddigii loo saaray xalinta khilaafka Golaha Shacabka ayaa maanta soo saaray go’aano dhowr qodob ka kooban, kaddib markii ay la kulmeen dhinacyada uu khilaafka u dhaxeeyo iyo Madaxda dowladda sida madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha.

Waxaa ay sheegeen in ay la kulmeen Guddoomiye Jawaari iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad Mahad Cawad, iyagoo kala hadlay arrinta khilaafka, islamarkaana ugu dambeyn ku qanciyeen guddoomiyaha in uu aqbayo mooshinka.

Guddiga ayaa soo saaray qodobadan :

1. Gudiga waxaa uu ka codsanayaa labada dhican ee qilafka soo kala dhaxgalay ee Golaha Shacabka in ay joojiyaan dhamaan ololayaasha siyaasadeed iyo fariimaha ay warbaahinta ay isku waydaarsanayaan inta xal laga gaarayo arrimaha kale ee qilaafka.

2. Gudiga waxaa ay soo dhaweynayaa Aqbalaada Gudoomiye Jawaari uu Aqbalay 03/18/2018 sharciyada Mooshinka Khilaafka dhaliyay

3. Gudiga waxaa uu ugu Baaqayaa Gudoonka Golaha Shacabka in la qabto Shirka Gudiga joogtada ah sida ugu dhaqsiyaha badan si loo Agaasimo Habraaca Mooshinka ka yaalo Gudoomiyaha Golaha Shacabka

4. Gudiga Aqalka sare ee ka qeyb qaadanayo Xalinta Khilaafka Golaha Shacabka waxaa uu bala qaadayaa in uu diyaar u yahay in uu kor jooge ahaan uga qeyb qaato shirka gudiga guurtada

5. Gudiga waxaa uu soo jeedinayaa in Mooshinka Maamulkiisa loo maro si Waafaqsan Qodobka 65aad Farqadiisa 4aad Dastuurka Soomaaliya iyo qodobka 9aad Farqadiisa 4aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliyeed.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia