4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 21, 2018
Rasaas culus oo laga mqlayo Agagaarka Tarbuunka ee magaalada Muqdisho

 

Arbaco, Maarso, 21, 2018 (HOL)– Rasaas culus oo u muqata in leys weydaarsanayo ayaa waqtiga laga maqlayaa Agagaarka Tarbuunka degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Dhab ahaan lama oga dhinacyada dagaalamay, hasse ahaatee dad soo maraya Agagga leysku rasaaseynayo ayaa Hiiraan Online u sheegay in uu arkayay ciidamo ku hubeysan gadiidka dagaalka oo ku sii jeeda halka is rasaaseyntu ka socto.

Mid ka mid ah Darawlada gadiidka BL-ka ku shaqeysta oo Hiiran Online la hadlay ayaa sheegay in uu soo maray halka ay dirirtu ka socto, laakiin uusan garaneynin cid dagaalameysa.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonaa..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]