4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 21, 2018
Aqalka sare oo warbixin ka dhageysanaya guddigii ay u saareen khilaafka Golaha Shacabka

 

Arbaco, Maarso, 21, 2018 (HOL)– Xubnaha guddiga joogtada ah ee Aqalka sare ayaa maanta lagu wadaa in ay warbixin ka dhageystaan guddi dhawaan loo saaray xalinta khilaafka ka dhax oogan baarlamaanka Soomaaliya.

Senator Axmed Macalin Cumar ayaa sheegay in maanta guddiga joogtada ah ee Aqalka sare hor iman doonaan guddigii 19kii bishan loo saaray khilaafka Golaha Shacabka ee ka dhashay mooshinka ka dhanka ah guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Senator -ka ayaa sheegay in guddigan la kulmeen labada dhinac ee iska soo horjeeda, warbixinna ka soo ururiyeen, isaga oo intaa ku daray in uusan ka hor dhici doonin warbxiinta kana sugayaan guddiga.

Lama oga warbixinta ay soo bandhigi doonaan guddiga, iyadoo ay muuqato in wali Baarlamaanku u ka kala jaban yahay labo garab, dhinaca kalana guddoomiye Jawaari uu aqbalay mooshinka laga keenay.

Warbixinta guddiga marka ay soo baxdo waan idin soo gudbin doonnaa..

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]