4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 19, 2018
Wararkii ugu danbeeyay Doon ku gubatay nawaaxiga dekedda magaalada Boosaaso

 

Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL) – Inta la og-yahay Labo Ruux oo ka mid ahaa 16 shaqaale ayaa ku dhaawacmay Doon maanta ku gubatay meel u dhow Dekeda Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

Shaqaalaha ku dhaawacmay dabka ayaa la dhigayy Isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso si loola tacaalo xaaladooda sida uu warbaahinta u sheegay Wasiir- ku -xigeenka Wasaaradda Dekadaha Puntland.

Doonta ayaa sidoo kale waxaa ku gubtay dhamaan hantidii saarnayd oo isugu jirtay Bagaash,Gawaari, Shidaal, Gaaska Cuntada iyo Badeecooyin kale sida uu warbaahinta u sheegay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dekadaha Puntland.

Waxaa soconaya dadaal xoogan oo la doonayo in lagu damiyo Doonta oo ay ku basbeelleen dhamaanba hantidii saarneyd.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]