3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 19, 2018
Doon ganacsi oo dab ku qabsaday nawaaxiga dekedda Boosaaso

 

Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in Doon sida shixnad ganacsi ay ku gubaneyso agagaarka Dekeda.

Doontan oo ka timid Imaaraadka Carabta ayaa u rarnaa Ganacsato Soomaaliyeed, waxaana goor dhoweyd laga war helay, iyadoo uu dab qabsaday.

Waxaa soconaya dadaallo la doonayo la doonayo in lagu ceymiyo shixnada saaran Doonta gubaneysa.

Sarkaal sare oo ka tirsan dekadda Boosaaso oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in doontu ay waday Shidaal oo u rarneyd ganacsato Soomaaliyeed.

Magaca doonta ayaa la iigu sheegay Nuur Saabir, waxayna u rarnayd ganacsato reer Puntland ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]

 













Click here
3/19/2018 3:22 PM EST
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL) - Feysal Cabdullaahi Cumar oo 16 sano jir ku dhaqan degmada Jowhar ayaa iska diidey sida uu hadalka u dhigay xilka guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada degmada Gambole ee gobolka Shabeellaha dhexe oo sida uu hadalka u dhigay uu u magacaabay Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Hirshabeelle.

3/19/2018 2:15 PM EST
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL)-Caawa abaare salaaddii maqri kadib ayay maleeyshiyaad ka tirsan Al-shabaab weerar qorsheeysan ku qaadeen saldhig ay ciidamada Jubbaland ku lahaayeen duleedka degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo.

3/19/2018 10:20 AM EST
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL)–Inta la og-yahay Labo Ruux oo ka mid ahaa 16 shaqaale ayaa ku dhaawacmay Doon maanta ku gubatay meel u dhow Dekeda Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari.

3/19/2018 9:50 AM EST
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL)–Weftigii uu hogaaminayey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa galabta dalka dib ugu soo noqday ka dib markii muddo ku maqnaa dalka Imaaraadka Carabta.

3/19/2018 9:43 AM EST
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL)- Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa kulan ku yeeshay xildhibaannada saxiixay mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

3/19/2018 5:15 AM EST
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL)-Jaaliyadda Gobolka Gedo ee magaladda Columbus Ohio ayaa maanta taageero u muujiyay wada hadalada dhinacyada Mandheera iyo Beledxaawo oo dhawaanahan ay xiisado xaduud kala xirashaa u dhaxaysay waxayna wada hadalada xiligan ah ku tilmaameen kuwo lagama maarmaan u ah bulshada labada dhan.

3/19/2018 2:40 AM EST
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL)-Gobolka Sanaag wararka ka imanaya ayaa sheegaya in heshiis buuxa laga gaaray colaad muddo dheer u dhaxeysa labo beellood.

3/19/2018 1:55 AM EST
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL)-Madaxwayne Vladimir Putin ayaa 6 sano oo kale xafiiska sii hayn doona ka dib markii uu si wayn ugu guulaystay doorashadii dalkaasi ka dhacday.

3/19/2018 1:43 AM EST
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL)–Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxay Dab khasaare xoogan geystay oo ka kacey guri ku yaala degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, kaa oo sababay geerida Hooyo Soomaaliyeed iyo 5 Carruur ah oo ay dhashay.

3/19/2018 1:27 AM EST
Isniin, Maarso, 19, 2018 (HOL)–Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cimaan Jawaari ayaa xalay kulan gaar ah la qaatey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay ka wada hadleen Khilaafka ka dhashay Mooshinka iyo sidii loo wajihi lahaa.