4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 18, 2018
NUSOJ oo u qabanaysa suxufiyiinta Soomaaliyeed tababar kor loogu qaadayo xirfada iyo anshaxa saxaafada


Axad, Maarso, 18, 2018 (HOL) - Tababar soconaya muddo labo maalmood ah oo loogu talagalay in aqoonta suxfiyiinta Soomaaliyeed kor loogu qaado ayaa shalay ka furmay magaalada Muqdisho.

Tababarkan ayaa waxaa soo abaabulay Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ oo ka helaayo taageero dhaqaale Ururka Suxufiyiinta Adduunka ee IFJ ee xaruntiisa tahay dalka Belguim. 25 suxufi oo da’ yar ah kuwaasoo sanadihii lasoo dhaafay kusoo biiray saxaafada ayaa ka faa’ideysanaya tababarkan oo looga hadlayo xirfada iyo anshaxa saxaafada.

Casharada tababarkan oo uu bixinaayo suxufiga weyn ee rugcadaaga ah Yusuf Xasan Isaaq ayaa waxaa diirada lagu saaraya aqoonta aas-aasiga ah ee saxaafada, doorka saxaafada xorta ah ku leedahay bulshada dhexdeeda, masuuliyada laga doonayo bahda saxaafada haddii ay ahaan laheyd suxufi ama xarun warbaahineed. Sidoo kale waxaa xooga lagu saarayaa barashada anshaxa saxaafada ayadoo loo barbardhigayo dhibaatooyinka dhinaca anshaxa ee suxuifiyiinta Soomaaliyeed soo wajaha iyo nidaamka caalamiga ah ee u dagsan dhowrista anshaxa saxaafada.

Xoghayaha Tababara ee ururka NUSOJ Mukhtaar Maxamed Catoosh oo soo abaabulay barnaamijkaan ayaa sheegay in aqoon la’aanta haysatada suxufiyiinta da’ yarta ah ay sababto mararka qaar in aan lagu kalsoonaan karin shaqada adag ee hayaan xitaa haddii ay si daacad ah u gudanayaan waajibaadkooda shaqo ee ay shacabka ugu adeegayaan.

Xoghayaha Guud ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cusmaan oo ka hadlayay furitaanka tababarkan ayaa sheegay in saxafiyiin fara badan oo todobadii sano ee ugu dambeeyay soo galay mihnada saxaafada aysan laheyn fursado wax ku ool ah oo aqoontooda saxaafadeed kor ugu qaadi karaan, ayna hadda qaar yihiin laf dhabarta warbaahinta ka howlgasha dalka gudahiisa.

“Suxufiyiinta Soomaaliya waa geesiyaal u baahan in la awood siiyo aqoon ahaan. Khatarta soo wajahda suxufiyiinta ayadoo jirto ayay dadaal weyn muujiyaan. Haddii aqoon dheeraad ah helaana meel sare ayeey gaari lahaayeen.

Balse haddii aynan suxufiyiintu la imaanin xirfad wanaag, iyo dhowrista anshaxa waa adkaanaysaa in loo dagaalamo saxaafad xor ah oo madax-banaan. Dalkan waa in uu helaa suxufiyiin aqoon leh oo aan shaqadooda cidna ugu aabo yeeleynin oo xirfad ahaana isku kalsoon,” ayuu yiri Cumar Faaruuq Cusmaan.

Guddoomiyaha Naadiga Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliyeed Nimca Xasan Cabdi ayaa tilmaamtay in gabdhaha suxufiyiinta ah gaar ahaan kuwa da’ yarta ah ay la kulmaan caqabado muuqda iyo kuwa aan muuqan kuwaasoo sababo in aysan ka qeyb qaadan fursadaha tababarada ee ay saxafiyiintu helaan. “Waxaa la joogaa waqtigii ay gabdhaha suxufiyiinta ee da’ yarta ah ka faa’ideysan lahaayeen fursadahan oo kale, waxaana ugu baaqaynaa NUSOJ in ay meel saarto mar waliba xaqa gabdhaha suxufiyiinta” ayay sii raacisay Nimca Xasan.

NUSOJ ayaa shaaca ka qaaday in dalka ka fulineyso tababaro 8 ah oo is daba yaala kuwaasoo ka kala dhici doono magaalooyin farabadan oo dalka si loo tababaro ugu yaraan 200 oo suxufi.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]