3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 18, 2018
Muuse Biixi oo sheegay in Qatar ka soo horjeedo heshiiska DP World iyo Somaliland

 

Axad, Maarso, 18, 2018 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta ayaa ku eedeeyay dowladda Qatar in ay ka soo horjeedo heshiiska dhaxmaray shirkadda DP World iyo Somaliland.

Madaxweynaya ayaa warbaahinta ka hor sheegay in Somaliland wax xiriir ganacsi mid iskaashi ah toona la laheyn dowladda Qatar, laakiin taa badalkeeda xiriir qoto dheer oo soo jireen ah la leedahay dowladda Imaraadka Carabta.

''Waxaan leeyahay Qatar waxaa ay cadaw ku tahay oo ay ka soo horjeedaa heshiiska ganacsi ee dhaxmaray shirkadda DP World iyo Somaliland'' ayuu yiri Muuse Biixi oo la hadlayay Warbaahinta Al-Ceyn.

Dowladdaha Imaaraadka iyo Sacuudi Arabia ayuu sheegay in ay ku dhaqan yihiin ganacsato badan oo Soomaaliyeed oo maalgashadayaal ah, halka Qatar uu ku sheegey in ay sidaa oo kale aheyn.

Muuse Biixin ayaa maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa magaalada Abu Dhabi ayaa kulamo kala duwan halkaa kula yeeshey mas'uuliyiin ka tirsan Imaaraadka iyo Jaaliyada Somaliland ee halkaa ku dhaqan, waxaana uu safarkiisa imanaya xili muran uu ka jiro heshiiska dekedda Bebera oo ay kala saxiixdeen DP World iyo Somaliland.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/18/2018 4:35 PM EST
Axad, Maarso, 18, 2018 (HOL)-Tababar soconaya muddo labo maalmood ah oo loogu talagalay in aqoonta suxfiyiinta Soomaaliyeed kor loogu qaado ayaa shalay ka furmay magaalada Muqdisho.

3/18/2018 10:09 AM EST
Axad, Maarso, 18, 2018 (HOL)-Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo shir jaraa'id ku qabtay magaaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu aqbaley mooshinka laga keenay, isaga oo dalbaday in muddo 10 cisho ah lagu codeeyo.

3/18/2018 9:50 AM EST
Axad, Maarso, 18, 2018 (HOL)–Kulankan oo ka dhacay magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa waxaa uu u dhexeeyay wafdi uu horkacayay gudoomiyaha gobolka Gedo, oo ka koobnaa taliyaha nabadsugidda gobolkaasi, masuuliyiinta maamullada degmooyinka Doolow, Baladxaawo iyo Luuq iyo masuuliyiinta maamulka Mandheera oo uu horkacayay gudoomiyaha Mandheera.

3/18/2018 7:25 AM EST
Axad, Maarso, 18, 2018 (HOL)- Waxaa maanta magalada Muqdisho Aas loogu sameeyay Alle ha u naxariisteen Nabadoon Axmed Cabdulle Jimcaale oo maalintii shalay Rag hubeysan ay ku dileen meel aan ka fogeyn hoygiisa degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

3/18/2018 2:47 AM EST
Axad, Maarso, 18, 2018 (HOL)-Taliyeyaasha ciidamada Somaliland ayaa qayb ka noqday weftiga uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo u dhoofay dalka Imaaraadka Carabta.

3/18/2018 2:32 AM EST
Axad, Maarso, 18, 2018 (HOL)-Ciidamo ka tirsan howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa maalintii shalay la wareegay AMISOM ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay wararka sheegaya in ay ciidamadooda kala wareegeen kuwa dowladda federaalka ah Amaanka Xarunta Golaha Shacabka.

3/18/2018 2:19 AM EST
Axad, Maarso, 18, 2018 (HOL)-Wasaaradda Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Ururka Al-shabaab iyo weerar lagu qaadayo deegaannada ay uga sugan yihiin qeybaha kala duwan ee dalka.

3/18/2018 2:03 AM EST
Axad, Maarso, 18, 2018 (HOL)–Feysal Cabdullaahi Cumar oo ah 17 sano jir wax ka dhigta dugsiga sare oo ku yaala magaalada Jowhar ayaa ka cabanaya xil ay u magacaawday Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Hirshabeelle.

3/18/2018 1:44 AM EST
Axad, Maarso, 18, 2018 (HOL) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ay wehliyeen Saraakiil ka tirsan ciidanka Booliska ayaa xalay kormeer ku tagay Saldhigyada Booliska degmooyinka H/wadaag, Hodan iyo Dayniile, isagoo u kuur galayay sida ay u socoto howlaha sugida ciidamada.

3/18/2018 1:40 AM EST
Axad, Maarso, 18, 2018 (HOL)–Saraakiil ka tirsan ilaaladaxeebaha ee dalka Giriigga ugu yaraan 16 qof oo muhaajiriin ah oo ay ku jiraan Lix caruur ah ayaa dhintay kadib markii dooni ay saarnaayeen ay ku qarqantay badda u dhaxeeysa Turkiga iyo Greek-gga.

3/18/2018 1:32 AM EST
Axad, Maarso, 18, 2018 (HOL)–Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib u dhigay safar uu maanta ugu anbabixi lahaa dalka Qatar sida ay inoo sheegeen xubno siweyn ugu dhaw dhaw xafiiska madaxweynaha.