4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 17, 2018
Ciidamo ka tirsan AMISOM oo la wareegay xarunta Golaha Shacabka

 

Sabti, Maarso, 17, 2018 (HOL) - Ku dhawaad ilaa 100 Askari oo ka tirsan Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa lagu wareejiyay Sugida Amaanka dhismaha Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya.

Xarunta Baarlamaanka oo 24kii saac ee ugu dambeeysay ku jirtay xaalad adag oo dhinaca Amaanka ah ayaa hada la sheegay in ay sugayaan Amnigeeda ciidamadan AMISOM.

Xalay ayeey ahayd markii lagu wareejiyay xarunta Golaha Shacabka ciidamo cusub iyadoo kuwii horay u joogayna la sheegay in laga qaaday halkaasi.

Waxaa soo baxaya baaqyo is daba joog ah oo ku aadan in arrinta lagu xaliyo wada hadal iyo in ciidamada aan laysku adeegsan.

Ugu dambeytii Xaaladdan Siyaasadeed ayaa u muuqato mid dalka Jahwareer xoogan galisay waxaana aad looga cabsi qabaa in ay ka sii xumaato halka ay hada joogto hadii aan si deg deg ah wax is badal ah oo muuqdo la keenin.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia