4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 17, 2018
Rag hubeysan oo goor dhaw magaalada Muqdisho ku dilay Nabadoon Axmed Cabdulle Jimcaale

 

Sabti, Maarso, 17, 2018 (HOL)- Rag hubeysan ayaa goor dhaw magaalada Muqdisho ku toogtay Nabadoon Axmed Cabdulle Jimcaale oo ka mid ahaa Nabadoonnada siweyn looga garanayo guud ahaan gobolka Hiiraan.,

Ehelada Nabadoonka oo la hadlay Hiiraan Online ayaa u sheegay in dhaawac halis ah oo soo gaarey rasaas qeybaha sare ee jirka looga dhuftay ugu geeriyooday Isbitaalka Digfeer.

Ilaa iyo hadda lama oga cid ka danbeysa dilka Nabadoonka hasse ahaatee warar soo baxaya ayaa sheegaya in dilkiisa ay geysteen Al-shabaab

Ciidamada dowladda la sheegay in ay tageen goobta uu dilka ka dhacay hasse ahaatee lama sheegin cid loo soo qabtay falka dilka ah.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonnaa.. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online 
[email protected]