3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 17, 2018
Xildhibanno ka dalbadey madaxweynaha in uu deg deg u soo fara-galiyo arinta Baarlamaanka

 

Sabti, Maarso, 17, 2018 (HOL) – Iyadoo aad moodo in ay cirka isku shareertey xiisada siyaasadeed ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xukuumadda ayeey ugu baaqeen xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu deg deg arinta u soo faragaliyo.

Xildhibaannada oo u badan kuwa ka soo horjeeda mooshinka ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay in madaxweynuhu sheeda kore ka daawado oo kaliya waxa dhacaya, laakiin taa badalkeeda loo baahan yahay in uu qaato sida ay hadalka u dhigeen doorkii uu lahaa, madaama uu yahay mas'uulkii ugu sareya dalka.

Maanta oo Sabti ah ayaa loo balansanaa in uu dhaco kulankii Golaha Shacabka, laakiin taa ma muuqato oo waxaa hareeyay khilaaf siyaasadeed oo xildhibaannada dhaxdooda ah iyo shaki xildhibaannada qaar ka muujinayaan Amaanka Golaha Shacabka oo ay la wareegeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
3/17/2018 2:17 PM EST
Sabti, Maarso, 17, 2018 (HOL)–Hey’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa bayaan ka soo saartay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Baarlamaanka iyo Xukuumadda, iyadoo ku baaqday inay diyaar u yihiin inay dhex dhexaadiyaan dhinacyada khilaafka u dhaxeeya.

3/17/2018 10:24 AM EST
Sabti, Maarso, 17, 2018 (HOL)–Magaalada Muqdisho waxaa maanta kulan ku yeeshey xildhibaannada mooshinka ka keenay guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana kulankaa qeyb ka ahaa Wasiiro ka tirsan xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre.

3/17/2018 9:12 AM EST
Sabti, Maarso, 17, 2018 (HOL) - Guddida tayeynta shilinka Somaliland iyo la tacaalidda sicir bararka ayaa sheegay in mudadii dheeraadka ahaa ee la siiyey shirkadaha Isgaadhsiinta ee bixiya adeega lacagta lagu shubto Mobile-ka in boqol dollar wax ka yar aan adeegaasi lagu isticmaalin ay kaga eegtahay caawa 12-ka habeenimo.

3/17/2018 9:07 AM EST
Sabti, Maarso, 17, 2018 (HOL)-Maalmihii u dambeeyey waxa jiray Buuq ka dhashay gabay ku jiray buug uu qoray wasiirka Warfaafinta Somaliland C/raxmaan Gurey Barwaaqo oo toddobo sanno ka hor buug uu daabacay.

3/17/2018 8:25 AM EST
Sabti, Maarso, 17, 2018 (HOL)-Aqalka sare ayaa goor dhaw guddi u saaray khilaafka ka dhax taagan Golaha Shacabka kaddib Mooshin laga keenay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

3/17/2018 5:59 AM EST
Sabti, Maarso, 17, 2018 (HOL)-Ragga maxkamada la hor keenay oo kala ah Maxammed Cabdiraxmaan Maxmuud,Jamaal Maxammed Cali Cabdi iyo Axmed Aadan weerar Dhagaxow,ayaa ku eedeysan in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-shabaab.

3/17/2018 5:40 AM EST
Sabti, Maarso, 17, 2018 (HOL)-Ku dhawaad ilaa 100 Askari oo ka tirsan Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ayaa lagu wareejiyay Sugida Amaanka dhismaha Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya.

3/17/2018 4:59 AM EST
Sabti, Maarso, 17, 2018 (HOL)-Rag hubeysan ayaa goor dhaw magaalada Muqdisho ku toogtay Nabadoon Axmed Cabdulle Jimcaale oo ka mid ah Nabadoonnada siweyn looga garanayo guud ahaan gobolka Hiiraan.,

3/17/2018 2:40 AM EST
Sabti, Maarso, 17, 2018 (HOL) – War ka soo baxay Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Talyaaniga, Mareykanka, Ingiriiska, Sweden iyo Itoobiya waxay walaac xooggan kaga muujiyeen xiisada siyaasadeed ee ka soo cusboonaatay Soomaaliya.

3/17/2018 1:56 AM EST
Sabti, Maarso,17,2018 (HOL)–Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo ay Mooshin ka keeneen tiro ka badan 100 xildhibaan ayaa sheegay in sharci ahaan uu jabey Mooshinkii la soo gudbiyay, laakiin isaga oo u daneynaya badbaadinta Golaha Shacabka ogolaanayo in xildhibaannada ka soo horjeeda soo dhameystiraan xubnaha ka dhiman si uu sharci u noqdo mooshinka.

3/17/2018 1:47 AM EST
Sabti, Maarso, 17, 2018 (HOL)–Taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee gobolka Hiiraan ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaal culus oo ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab ku dhexmaray deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan.

3/17/2018 1:26 AM EST
Sabti, Maarso, 17, 2018 (HOL) - Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliska Booliska oo ka hadlay la wareegista xarunta golaha shacabka ayaa sheegay in ciidamo booliis ah ku xoojiyeen oo kaliya ciidamadii horey horey u sii jooogay, iyaga oo meesha ka saaray in ciidamo ka tirsan kuwa Koofi Gaduud iyo ciidamada Xasilinta ay la wareegeen.