Wasaaradda Amniga iyo taliska Booliiska oo ka hadlay la wareegista xarunta golaha shacabka
Sabti, Maarso, 17, 2018 (HOL) - Wasaaradda Amniga Gudaha ee
Xukuumadda Soomaaliya iyo Taliska Booliska oo ka hadlay la wareegista xarunta
golaha shacabka ayaa sheegay in ciidamo booliis ah ku xoojiyeen oo kaliya
ciidamadii horey horey u sii jooogay, iyaga oo meesha ka saaray in ciidamo ka
tirsan kuwa Koofi Gaduud iyo ciidamada Xasilinta ay la wareegeen.
Xassan Macalin Xusseen oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa
sheegay in ciidamada la geeyay xarunta golaha shacabka ay yihiin kuwo suga
amniga oo ka tirsan Booliska, isla markaana uu ahaa amar ka yimid Wasaaradda
“Annaga ayaa ka dalbaney taliyaha Booliiska in ciidamo Booliis ah oo suga Amniga xarunta golaha
Shacabka lagu kordhiyo ciidamadii horey halkaa u sii joogey, wuuna aqbalay
laakin ma jirto Ciidamo kale oo la geeyay ayuu yiri’’ Wasiiru-dowlaha Wasaaradda
Amniga”ayuu yiri Wasiiru dowlaha Amniga.
Jen Bashiir oo ah Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa dhinaciisa
sheegay in sababta ciidamada loo geeyay ay tahay ciidamo boolis ah oo
tababaran, isla markaana xaqiijinaya amniga Xarunta, si aanay xarunta uga
dhicin fowdo, maadaama ay jirto xiisad siyaasadeed sida uu yiri.
Waxaa uu sheegay in Ciidamada Booliska aanay aheyn ciidamo qolo gaar u
adeegaya, balse ay yihiin ciidan nidaam iyo dishibiliin leh.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo shir jaraa’id
ku qabtay xafiiskiisa ayaa ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha in ciidamo uu diray
ay la wareegeen xarunta, isla markaana wixii ka dhaca uu mas’uul ka yahay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]